ERDOGAN OO GARAY IRAAN.
ERDOGAN IYO RAISES.
(TEHRAN)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa dhawaan waxa uu soo gabagabeeyey booqasho uu ku maraayey dalalka Bariga dhexe gaar ahaan Israa’iil iyo Boqortooyadda Sacuudiga,ujeedadad booqashada ee Biden ayaa ahayd wanaajinta xiriirka wadamadda Carabta qaarkood iyo Israa’iil iyo arrinta hubka wax gumaado ee dalkaasi Iraan,hadaba waxaa maanta dalka Iraan gaaray Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan waxa uuna halkaas kula kulmay dhigiisa Ibraahim Raisi,labada Madaxweyne ayaa waxa eey ka wada hadleen arrimo dhawr ah oo khuseeyo labadooda dal(Turki iyo Iraan) arrimaha ugu waa weyn ayaa waxaa ka mida la dagaalanka argagixisada amaba kuwa ayaga ka soo horjeedo eey ka mid yihiin(PJAK,PKK,PYD,YPG IYO FETO). Si kastaba ha ahaatee booqashada Erdogan ee iraan ayaa dhalisay shaki ah inuu jawaab u tahay booqashadii Biden ee Bariga Dhexe.
ISHA WRKA AA.