SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ERDOGAN OO BOOQASHO KU MARAAYO…

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA TURKIGA ERDIGAN.

(SAUDI)-Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo Isniin ah(17/7/23)-ka waxa uu soo gaaray dalka Boqortooyada Sacuudiga,waxa uuna Madaxweyne Erdogan booqasho seddex maalin ah ku mari doonaa dalalka Gacanka Carabta,ujeedada booqashada Erdogan ayaa lagu sheegay iney tahay sii xoojinta xiriirka Turkiga la leeyahay dalalka Gacanka. Lugta hore ee booqashada Erdogan ayuu hadda ku joogo magaala xeebeedka Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaane halkaas ku soo dhaweeyey Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan waxaane loo sameeyey Xaflad rasmi ah markii la soo dhaweynaayey Erdogan. Hogaamiyeyaasha labada dalka oo ey wehliyaan golaha Wasiiradooda ayaa si fool ka fool isu hor fariisan doono si ey uga hadlaan arrimo muhiim u ah labada dal. Ajendaha wada hadalka labada dal ee Turkiga iyo Sacuudiga ayaa la sheegay iney ugu waa weyn yihiin wanaajinta xiriirka labada dal,maalgashiga,arrimaha gobolka iyo arrimaha caalamiga ah. Madaxweyne Erdogan ayaa horay u booqday dalalka Qadar iyo Imaaraatka Carabta.

ISHA/AA.