EL-SISI IYO MUSEVENI OO KA HADLAY AUSSOM.
(SAWIRKA)-EL-SISI IYO MUSEVENI
(QAHIRA)-Madaxweynaha dalka Masar C/fataax AL-sisi iyo dhigiisa dalka Ugandha Yoweri Museveni ayaa ku nuux-nuuxsaday Jimcihii shalay doorka muhiimka ah ee Hawlgalka Midawga Afrika ee ku aadan taageeradda Dawladda Federaalka Soomaaliya,sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyadda dalka Masar. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli ey wada hadal dhanka Telefoonka ah kuwada hadleen labada Hogaamiye, waxa eyna xaqiijiyeen in dalalkooda ey taageerayaan Madax-Banaanida,Madaxbanaanida iyo Midnimadda Dhuleed ee Soomaaliya. 27-kii bishii hore ee Disembar-2024-kii ayuu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe(UNSC) waxa uu Ansixiyey Abuuritaanka Hawlgalka Taageeradda iyo Xasillinta Midawga Afrika ee Soomaaliya(AUSSOM). Ciidamadda cusub ee nabad ilaalinta ah ee lagu wado in la soo daabulo bishaan Janaayo ayaa bedeli doono Ciidamadda Midawga Afrika ey taageerto Qaramada Midoobe ee ATMIS. Madaxweyne AL-Sisi ayaa dhigiisa Ugandha Museveni u iftiimiyey dadaalka ey Masar ugu jirto sidii dalka Suudaan looga caawini lahaa sidii uu uga bixi lahaay qalalaasaha loona heli lahaay xabad joojin. Madaxweynaha dalka Masar ayaa ku nuuxnuuxsaday muhimada ey leedahay in shacabka Suudaan laga ilaaliyo Musiibooyinka dagaalka iyo fududeynta gargaarka bani’adanimo. Sida laga soo xigtay Madaxtooyadda dalka Masar,labada Hogaamiye waxa ey ka wada hadleen Martigelinta ey Ugandha Martigelineyso Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midawga Afrika ee ku saabsan Barnaamijka Horumarinta Beeraha ee Qaaradda Afrika,kaaso socon doono inta u dhexeyso 9-ka bishaan Janaayo ilaa 11-ka isla Bishaan Janaayo-2025-ka. Madaxweynaha dalka Masar ayaa carabka ku adkeeyey baahidda loo qabo in la diyaariyo Siyaasadda Qaaradda Afrika ee taagereyso Warshadaha Beeraha iyo Awood siinta Beeraaleyda yar yar, Haweenka iyo dhallinyarada. Labada Hogaamiye waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la xoojiyo isku duba ridka ka dhexeeyo wadamadda wadaago biyaha Wabiga Niil.