SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

EHELKA MARXUUM KAABAX OO CADAALAD KA DALBADAY DFS.

(SAWIRKA)-AUN-ABUKAR KAABAX.

(MUQDISHO)-Magaaladda Muqdisho waa caasimadda dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,sida la sheegane waxaa ku nool dad gaaraayo ilaa afar Milyan oo qofood isagana kala yimid Goboladda dalka oo dhan,Muqdisho waxa ey ku dhex taal Gobolka Banaadir oo isna ka kooban ilaa sideed iyo toban degmo iyo degaano ku hareereysan sida Garasbaaleey,Ceelasha Biyaha iyo Gubadleey,hadaba magaalo baaxadaas leh eyna wada degan yihiin dhammaan hayadihii DFS iyo kuwa Ajaanibta ah ayaa waxaa Amnigii loo gacan geliyey dad ey aad u yar tahay Aqoontooda dhinaca Amniga laakinse xilalka iyo darajada ku helay qaab qabiil aan qarsooneyn. Magaaladda Muqdisho ayaa hadda waxa ey wajahaysaa dhacdooyin aad u xanuun badan kuwaaso loo gaysanaayo dadka reer Muqdisho sida Gubidii la gubay AUN-LUUL C/casiis iyo dilkii arxanka darnaay ee loo gaystay Ganacsade Abuukar Axmed Kaabax. Marxuumad LUUL waxa ey heshay cadaalad oo waxa ey hortaal Maxkamadda G/Banaadir lixda bishaane go’aan ka gaari doonto laakinse dilkii loo gaystay Ganacsade Abuukar Kaabax weli lama haayo hadalkiisa oo waa mid la qariyey hoosna loo dhigay ka hadalkiisa,Waa maxay sababta? Marxuum Kaabax waxaa degmada Heliwaa laga soo afduubay Arbaco 21/2/14-ka saacadu markey ahayd 11-kii fiidnimo waxaane meydkiisa laga soo helay degaanka Garas-Baaleey subaxnimadii Khamiista 22/2/24-ka,sida caadada ahayd waxaa la qabtay shirkii Jaraa’id ee todobaadlaha ahaay ee looga hadli jiray Amniga dalka gaar ahaan kan caasimadda Muqdisho ee uu qaban jiray Afhayeenka Booliska Soomaliyeed G/Le.Saadaq Doodishe, G/Le.Doodishe ayaa shirkiisii Jaraa’id ee ugu dambeeyey ka sheegay laba Qodob oo lagu sifeeyey iney yihiin kuwa uu sababsaday uuna xilkiisa ku waayey, Qodobka koobaad ayaa ah isaga oo sheegay in la Garanaayo Ragii Afduubay ka dibne dilay Ganacsade Kaabax kuwaaso ka maqnaay Gacanta Hayadaha Amaanka waqtiga Doodishe hadlaayey balse hadda ku jira Gacanta Hayadaha amniga,Qodobka labaad ayaa ah in G/Le.Doodishe carabka ku dhuftay tirada dhabta ah ee loo soo qabtay dilkii C/naasir oo u shaqeynaayey Hayada Duulista Rayidka ee DFS. Taliyaha Boolska Soomaaliyeed Gen.Sulub Axmed Firin ayaa xilkii Afhayeenka Booliska Soomaliyeed waxa uu magacaabay Afhayeen Cusub lana yiraahdo G/Sare.Qaasim Axmed Rooble,isbedelkaan cusub ayaa loo macneyey inuu yahay mid ku yimid hadalkii G/Le.Doodishe ee ahaay in la yaqaan Ragii Afduubay ka dibne dilay Ganacsade Kaabax, la yaabka jira ayaa ah shirkii jara’id ee ugu horeeyey uu qabto G/sare.Qaasim kuma uusan soo hadal qaadin dhacdadii foosha xumeed ee loo gaystay Ganacsade Kaabax ayadoo Xabsiga CID-da ey ku xiran yihiin Taliyihii Saldhiga Heliwaa Dhamme C/fataax Qoslaaye,Afar ilaaladiisa ah iyo laba qofood oo shacab ah,halkaas ayaa laga akhristay sababta G/Le.Doodishe shaqada looga eryey loogana dhigay BUUL,dadka qaarkood ayaa u macneeyey in Dhamme Qoslaaye yahay nin ey wataan taliye ku Xigeen Booliska Soomaaliyeed KANIIF iyo Taliyaha Booliska G/banaadir Macallin Mahdi,taliye Qoslaaye ayaa la sheegay inuu horay dembiyo la garan waayey cidda fulisay kana dhacay degmada Hodan uu isaga ku lug lahaay,balse hadda tan Kaabax u noqotay midii uu ku aadi lahaay AAKHIRO. Maanta waxaa Muqdisho ku banaanbaxay ehelka Kaabax waxa eyna DFS ka dalbadeen in cadaaladda la horkeeno cidii dishay wiilkooda.

ISHA/SB-MEDIA.