EEDEYSANAYAAL AJNABI AH OO DACWAD UGA BILAABATAY…
(SAWIRKA)-WAAXDA CADAALADDA MARAYKANKA.
(MARYLAND-USA)-Waaxda Cadaaladda dalka Maraykanka(DOJ) ayaa maanta oo Isniin ah waxa ey dacwad ku soo oogtay nin u dhashay dalka Iraan kana Ganacsada Maandooriyaha iyo laba Mawaadin oo u dhalatay dalka Kanada,seddexdaan nin ayaa lagu soo eedeeyey iney maleegeen dil kiro ah oo lagu fulinayo laba qofood oo ku sugnaay Gobolka Maryland ee dalka Maraykanka. Waaxda Cadaaladda ee dalka Maraykanka(DOJ) ayaa sheegtay in dhibanayaashii loogu taagalay shirqoolka iney ka carareen dalka Maraykanka ka dib markii mid ka mida ah uu ka soo goostay dalka Iraan. Dacwad oogayaasha Federaalku waxay ku eedeyeen ninka u dhashay Iraan lana yiraahdo Naji Sharifi Zindashti oo 49-jir ah iyo mid u dhashay dalka Kanada lana yiraahdo Damion Ryan oo 43-jir ah iyo Adam Pearson oo 29-jir ah iney maleegayeen iney Ganacsi u adeegsadaan Gobolada u dhexeeyo gudida shirqoolka dil kireysi ah. Kuwa la xukumo ayaa wajihi kara xukun gaaraayo ilaa toban sano oo xariga ah waa sida ey qabto Waaxda Cadaaladda Maraykanka. Edeynta ragaan seddexda ah ayaa la sii daayey maanta oo Isniin ah waxa eyna ku eedeysan yihiin seddexdooda iney abaabuleen shirqoolkii lagu caeqaladeyey intii u dhexeysay Disembar-2020 ilaa Maarso-2021-kii,iyagoo kuwada xiriiray SkyECC.App-ka fariimo sir ah min bilaw ilaa dhammaad. Zindashti iyo Ryan waxa ey ku heshiiyeen iney bixiyaan lacag dhan $350-kun dilalka qorsheysan iyo sidoo kale $20-kun in lagu daboolo kharashaatka dacwad oogayaasha. $20-kun waxaa Ryan u soo diray horaantii bishii Maarso qofaan la aqoonsan oo iyaga la shaqeeyo,kaaso sidoo kale bixiyey sawir iyo macluumaad taariikheed oo ku saabsan labada qofood ee dhibanayasha ah kuwaso Waaxda Cadaalada Marayakanka(DOJ) aysan aqoosan. Bixinta kharashka lagu daboolaayo ayaa la sameeyey ka dib markii Ryan uu sheegay wada shaqeeyaha uuna yiri”Waxaan haynaa koox afar nin oo diyaar ah”.
ISHA/AXIOS.