EAC: SOOMALIYA WAXAY DEJISAY KHARIIDAD KU AADAN IS-DHEX..
(SAWIRKA)-VERONICA NDUVA.
(NAIROBI)-Soomaaliya waxa ey dhigatay khariidadeedii ey si buuxda uga mid noqon lahayd Bulshada Bariga Afrika(EAC) taasoo muujinaysa Suuq dheeraad ah oo Gobolka ah kuna dhaw 20-Milyan oo qof marka ey dhammaato hawsha. Qorshaha Khariidada ee Isniintii shalay lagu soo bandhigay Nairobi ayaa qeexaya waqtiyadda uu dalka Geeska Afrika ku dhaqmi doono siyaasadaha loo baahan yahay isla markaane uu waafajinaayo shuruucdiisa si ey ugu suurtagasho inuu ku biiro Ururka Canshuuraha ee Gobolka iyo hab maamuuska Suuqyadda guud. “Kulanka maanta waxa uu astaan u yahay safar muhiim ah,iyadoo la waafajinaayo geedi-socodka Qaranka Soomaaliya iyo Qaab dhismeedka Gobolka si loo xaqiijiyo isdhexgalka dhammaystiran”ayey tiri Xogahyaha Guud ee Ururka Bulshadda Bariga Afrika(EAC) Veronica Nduva. “Khariidada-Tubta ayaa qeexeyso hawlaha muhiimka ah ee loo kala saaray Hindisayaal Qaran iyo kuwa Bulsho ku jihaysan. Waxaa kuwaas ka mid ah in la waafajiyo Qaab dhismeedka sharciga Soomaaliya iyo jaangooyooyinka Gobolka iyo hubinta ka qeybgalka adag ee barnaamijyadda iyo hawlaha EAC”ayey raacisay hadalkeeda. Iyadoo aan la shaacin waqtiga dhabta ah ee lagu heshiiyey kulanka,ayaa wafdiga Soomaaliya waxay muujiyeen kalsoonida ey ku qabaan sida ey uga go’an tahay iney si buuxda u dhexgalaan bulshada Geeska Afrika dhawaan.
ISHA/EA.