SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

LABA QOFOOD OO DHALATAY CZECH OO..

War lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in laba qofood oo dhalatay dalka Czech lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee heathraw ee magaaladda London ee dalkaas Ingiriiska,labadaan qofaad ayaa u socday magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta,waxa ayna shandadahooda safarka ku wateen lacag dhan (1.2) millyan oo Gini istarlin ah una dhiganto (1.58 ) millyan doolar, waxaane labadaan qofood ee dhalatay Czech lagu eedeeyey ineey rabeen in dalka eey ka saaraan lacag sharci darra ah,sidaas waxaa sheegtay dawladda Ingiriiska maanta oo Jimca ah 13/11/2020-ka.

Labada qofood ee la qabtay ayaa kala ah nin 37-jir ah iyo haweeneey 26-jir ah waxaane joojiyey masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Heathraw ee magaaladda London saaacadu markeey ahayd 9:00-GMT bisha Nofembarne ahayd 8/11/2020-ka,lacagtaan cadaanka ah eey wateen labadaan qofood oo laga kala helay boorsooyinkooda safarka iyo laba boorso gacmeed eey wateen. Dhacdadaan waa tii labaad ee ka dhacda dalka Ingiriiska muddo ka yar laba bilood oo waxaa bishii oktoobar ee sannadkaan 2020-ka la qabtay haweeneey u safraysay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta,haweenaydaas ayaa wadatay lacag cadiin(Cash) ah tiradeedana lagu sheegay ineey dhammeed (1.9)milyan oo Giniga Istarliinka ah una dhiganta (2.5)milyan oo doolarka Maraykanka ah.

HALKAAN KA AKHRISO.