DUULIMAADKII KISMAAYO OO MAANTA LA HAKIYEY.
(SAWIRKA)-ASTAANTA HAYADDA DUULISTA RAYIDKA SOOMAALIYA.
(MUQDISH)-Wararka ka imanaayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in Hayadda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iney war culus ey ka soo saartay wixii shalay ka dhacay degmada Doolw ee Gobolka Gedo,waxaaen halkaasi isku fara saaray Ciidaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dawladda Itoobiya oo garab siinaayey Ciiadamo daacad u ahaa maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe dagaalka ayaa waxaa shalay ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. Dagaalka Doolow ayaa ka dhashay ka dib markii Diyaarad ka soo duushay Kismaayo(HALLA AIRLINE) ey soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Doolow,sida la sheegay diyaaradda ayaa waxaa la socday Masuuliyiin ka tirsan Jubaland iyo Ciidamo taakulo u weday kuwa Jubaland ee joogay Doolow. Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa arrintaan dhacday waxa ey ka soo saartay Qoraal ey ku cambaareyneyso falka ey geysteen Ciidamadda Itoobiya ee ku sugan degmada Doolow,lamana yaqaano in Ciidamadda Itoobiya ee geystay falka foosha xun ey ka mid yihiin ciidmadda Nabad ilaalinta Midawga Afrika ee ATMIS iyo in kale. Hadaba Shirkadda diyaaradaha Halla Airlines ayaa sheegtay in la afduubay diyaradeeda iyadoo qalabkeedii Isgaarsiinta laga xauubiyey gacanteeda, Falkaasi argagaxa leh ee uu ku kacay maamulka Jubaland ayaa sababay in maanta la hakiyo dhammaan duulimaadyadii aad jiray magaaladda Kismaayo,waxa eyna dhirbaaxo weyn ku noqotay Hayadaha Duulimaadyada ee ka shaqeeya Gobolka Jubada Hoose. Hayadda Duulista Rayidka Soomaaliya qoraal ey soo saartay ayey kaga hadashay wixii ka dhacay Kismaayo iyo Doolow, waxa eyna sheegtay iney bilaabi doonto baaritaan la xiriira sida ey wax u dheceen iyo in Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe uu yahay shaqsiga sababay hakinta Duulimaadyada Kismaayo.
ISHA-SBM.