SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DUQEYN XOOG LEH OO KA DHACDAY BARAAGTA GUR-GUURTE.

(SAWIRKA)-MALEESHIYAAD ALSHABAAB.

(XARADHEERE)-Wararka ka imanaayo degmada Xaradheere ee Goblka Mudug ayaa sheegayo in degaanka Baraag Gur-guurte oo qiyaastii ahaan labaatan kiilomitir u jirta degmada X/dheere ee koonfurta Gobolka Mudug ey diyaaradaha dagaalka ee saaxibadda caalamka ey duqeyn aad u culus ka fulyeen,waxaane la sheegaa in goobta la duqeeyey ey ku kulansanayeen Alshabaab. Degaanka la duqeeyey saacado ka hor ayey kooxda Alshabaab waxa ku soo gureysay maleeshiyaad fara badan,gaadiida dagaal iyo saanad ciidanba,goorta ey duqeynta dhceysay ayaa goobta waxaa ku sugnaay Horjoogayaal iyo maleeshiyaad wata gaadiid dagaal. Sida laga soo xigtay dadka degaanka la duqeeyey kooxda Alshabaab ayaa waxaa soo gaaray jab eysan fileyn ka dib markii dhimasho iyo dhaawac laga gaarsiiyey maleeshiyaadkii ey diyaarinaayeen iyo in la wada gubay gaadiidkii dagaalka ee goobta yiilay.

ISHA/SNA.