SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DUQEYN LAGU DILAY LABA HORJOOGE OO ALSHABAAB AH.

(SAWIRKA)-FU’AD SHONGOLE HORJOOGE ALSHABAAB.

(SH/HOOSE)-Gobolka Sh/hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu ka mid yahay Goboladda ey salka dhigteen kooxaha Argagixisada caalamiga ah sida Alshabaab iyo Daacish,Gobolkaan ayaa waxaa maro Wabiga Shabeele oo ka mid ah labada Wabi ee marta Dhulka Soomaaliyeed. Gobolka Sh/hoose waa gobolka ugu degmooyin badan dhammaan seddexda Gobol uu ka kooban yahay maamulka KGS,dadka degan ayaa ah Beeraleey,Xoolo dhaqato iyo Kallumaysato,caasimadda Gobolka Sh/hoose ayaa ah degmada Xeebeeka Maraka. Hadaba,Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah waxa ey shaacisay magacyada Horjoogayaal Alshabaab ah oo lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo maanta ka dhacaday Gobolka Sh/hoose. Duqeynta ayaa waxa ey ka dhacday degaanka la yiraahdo Nuun-Garre oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Sh/hoose,duqeynta dhacday maanta ayaa lagu dilay laba horjooge oo mudooyinkaan si aad ah loogu raad joogay,waxaane magcyadooda lagu kala sheegay Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaay Horjoogaha dhinaca hawlgalada ee degaanka Bariire,Horjoogaha kale ayaa isna magaciisa lagu soo koobay SAABIR waxa uuna kooxda AL-shabaab u qaabilsnaay soo qaadida lacagaha baada ah ee laga soo qaado dadka Beeraaleyda ah.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.