SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DUQEYN CULUS OO KA KALA DHACDAY MUDUG IYO SH/DHEXE.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DRONES-KA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Saaxibadda Caalamka oo iskaashanaayo ey duqeyn dhanka cirka ka fuliyeen degmada Ruu-Nirgood ee G/shabeeladda dhexe. Duqeynta ayaa lala beegsaday bar koontarool ey kooxda AL-shabaab ku baadi jireen gaadiidka shacabka ey isticmaalaan,waxaane khasaaraha hordhaca ah ee halkaas ku gaaray kooxda AL-shabaab la eg yahay tobaneeyo dhimasha ah iyo gaadiidkii ey wateen oo halkaasi lagu gubay. Dhinaca kale,Gobolka Mudug ee baratamaha Soomaaliya ayey isagana ey ka dhacday duqeyn lala beegsaday kooxda AL-shabaab,sida la soo sheegayne duqeynta ayaa ka dhacday degaanka Carfuudo oo hoostaga Tuuladda Waariq ee G/mudug,duqeyntaan ayaa waxaa lala beegsaday kooxaha ey Alshabaabka ugu yeeraan Jabhadaha,waxaane halkaasi lagu burburiyey afar goobood ey deganayeen Maleshiyadka Alshabaab,isla duqeynta ka dhacday Mudug ayaa waxaa kooxda looga burburiyey Gawaari Qaraxyo lagu diyaarinaayey si kooxda Alshabaab ugu weeraraan Ciidamadda DFS iyo kuwa degaanka G/Mudug. Si kastaba ha ahaatee kooxda Alshabaab ayaa hadda waxaa ku socdo weeraro dhinaca cirka ah kuwaaso ey gaysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha wedin eyna iska leeyihiin saaxibadda caalamka ee dalka Soomaaliya ka kaalmeeyo la dagaalanka Argagixisadda Caalamiga ah.

ISHA/SB-MEDIA.