SEDDEX QARAX OO ISRA’IIL KA DHACAY MAANTA.
(SAWIRKA)-GOOBTA EY QARAXYADU KA DHECEEN.
(TEL AVIV)-Qaraxyo seddex ah ayaa ka dhex dhacay saddex bas oo faaruq ah oo ku sugnaa meelo baabuurta la dhigto oo ku taalla agagaarka magaalada caasimada ah ee Tel Aviv lana yiraahdo Bat Yam iyo Holon fiidnimadii Khamiista, sida ey sheegeen dhowr warbaahin oo Israa’iil ah. Ma jirto cid ku dhaawacantay qaraxyada seddexda ah, dhacdooyinkan waa la baarayaa, sida uu ku waramay Wargeyska Yedioth Ahronoth ee maalinlaha ah, isagoo soo xiganaya booliiska. War ka soo baxay booliiska ayaa lagu sheegay iney baarayaan suurtagalnimada in Qaraxyadu ey ka dhasheen "weerar Suurtagal ah." Sida war-murtiyeedka lagu sheegay, waxaa goobta Qaraxu ka dhacay la dhigay ciidamo aad u badan, kuwaasoo baaritaanno ku sameynaya dadka laga shakisan yahay, iyadoo khubarada ka-hortagga bambaanooyinka ey baarayaan goobaha ey wax ka dhaceen, si loo hubiyo ineysan jirin wax kale oo Qarx ah ama Walxaha laga shakiyo. Booliska ayaa sidoo kale soo bandhigay sawir ay goobta ka qaadeen balse ma eysan bixin faah faahin dheeri ah oo ku aadan qaabka ey u dhaceen Qaraxyada. Warbaahinta guud ee Israa’iil ee KAN ayaa ku warantay in hay’adda Amniga gudaha Isra’iil ee Shin Bet iyo booliiska ey qiimaynayaan in shilkani uu ahaa weerar la soo agaasimay iyo in kale. Sida uu sheegay Yedioth Ahronoth, dhammaan khadadka tareenada fudud ee Bat Yam waa la hakiyay fiidnimadii Khamiista ka dib Qaraxyada. Darawalada basaska ee guud ahaan Israa'iil ayaa sidoo kale lagu amray iney joojiyaan oo ey baaraan baabuurtooda si ey u ogaadaan wax kasta oo ey ka shakiyaan, maalin walba ayaa intaas ku daray. Booliska ayaa sidoo kale ka helay laba qalab oo aan Qarxin oo ku xiran basaska Holon iyo Bat Yam, ayuu boolisku yiri. Raadiyaha Ciidanka Israa'iil ayaa markii dambe sheegay in mid ka mid ah aaladaha laga helay Bat Yam ey ku qoran tahay "aargoosiga Xerada Tulkarem".
ISHA-ANADOLU.