SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Dr.WAARE OOLOO MAGACAABAY…

DR.MAXAMED CABDI WAARE.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Wareegto uu soo saaray ayuu xil cusub waxa u ugu magacaabay Madaxweynihii hore ee maamulka H/shabeele Muadane Maxamed Cabdi Waare,sida ku cad Wareegtada Madaxweyne Waare ayaa loo magacaabay inuu noqdo Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Xasilinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliyeyaasha iyo Saraakiisha ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed faray iney la shaqeeyaan Ergayga cusub si uu u guto waaibaadkiisa “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudnaanta koobaad siinaayo qorshihiisa xakamaynta qasaaraha Rayidka si eysan wayeelo uga soo gaarin dadka shacaka ah ee ku sugan goobaha ey ka socdaan hawlgalada dalka looga xoreynaayo kooxda Argagixisada Alshabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada qalabka sida ku adkeeyey iney si dhaw ula shaqeeyaan Ergayga gaarka ah ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka”sidaas waxaa lagu xusay Wareegta ka soo baxda Villa Somalia.

ISHA WARKA SB-MEDIA.