SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DRONES LAGU WEERARY MARKAB MARAAYEY…

(SAWIRKA)-GOOBTA MARKABKA LAGU WEERARAY.

(INDIA)-Wararka laga helaayodalka dalka Hindiya ayaa sheegaayo in xeebaha ku dhaw dalkaasi uu maanta ka dhacay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuilyaha wedin ee Drones-ka,weerarka ayaa waxaa lagu qaaday Markab watay calanka dalka Liberiya balse sida la sheegay u rarnaay dalka Isra’iil,arrintaan ayaa muujinayso iney sii fideyso xaaladda kacsan ee ka jirta Biyaha Badda Carabta tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xarakada Xamaas,weerarka dhacay maanta oo Sabti ah ayaa lala beegsaday Markab Ganacsi oo maraayey Badda Carbeed ee ku taala Xeebta Galbeed ee dalka Hindiya,waxaane weerarka ka dhashay dab qabsaday Markabkii iyo khasaare soo gaaray Markabka la weeraray balse lama oga ilaa hadda inta uu la eg yahay. Wakaaladda hawlaha Ganacsiga Badaha ee dalka Ingiriiska ee loo yaqaano Ambrey ayaa xaqiijisay in Markabka sitay calanka dalka Liberiya uu la shaqeeyo dalka Isra’iil isla markaasne yahay Markab xiriir joogta ah la leh dalka Isra’iil taasine ey tahay sababta loo weeraray,Markabka markii la weeraraayey waxaa saarneed badeeco Kiimiko ah waxa uuna ku sii jeeday dalka Hindiya, weerarka ayaa waxa uu ka dhacay goob 200-kiiloomitir Koonfur Galbeed ka xigta Xeebta dalka Hindiya.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.