SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DOORASHADII SOOMALILAND OO LAGU KALA BAXAY.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA LA DOORTAY EE SOOMALILAND CIRRO.

(HARGEYSA-SL)-Wararka aan ka heleyno maamulka Soomaliland ee Waqooyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaay in Md.C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo Xisbiga Wadani ku metelaayey Doorashadii Soomaliland ka dhacday 13/11/24-kii uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha Soomaliland shanta sano ee soo socota. Gudiga Doorashooyinka Soomaaliland oo si ku meel gaar ah ugu Guuleystay Doorashadda Maamulka Soomaaliland ka dhacday ayaa sheegay iney codeeyeen dad gaarayo ilaa 664,188-Qofood una dhiganta iney codeeyeen 53% halka ku xigeenkiisa uu ku Guuleystay Maxamed Cali Cabdi. Xisbiyadda u tartamay Xilka Madaxweynaha Soomaaliland ayaa kala ahaay Wadani oo uu u tartamaayey Cirro, Xisbiga Kulmiye oo uu u Tartamaayey Madaxweynaha hadda talada haaya Muuse Biixi,Xisbiga Ucid oo uu tartamaayey Feysal Cali Waraabe iyo Ururka Kaah. Codadkii la tiriyey ayey Xisbiyadu kala heleen: Xisbiga Wadani ee Cirro ayaa helay 216,284-Cod, Ururka Kaah ayaa helay 131,507-Cod halka Xisbiga Kulmiye ee Biixi uu helay 108,100-Cod waxaane wax cod ah aan helin lagana saaray Liiska xisbiyadda Soomaaliland Xisbiga uu hogaamiyo Feysal Cali Waraabe ee Ucid. Ugu Dambeyntii Xisbiga Wadani ee talada Soomaaliland la wareegay ayaa helay 63.92% dhammaan codadkii la bixyey, Xisbiga Kulmiye ee Biixi ayaa isagana helay 34.81% codadkii la bixiyey halka Xisbiga Ucid ee Feysal Cali Waraabe uu helay 0.7% Codadkii la bixiyey. Natiijadda Doorashadda Soomaaliland ayaa hadda hortaal Maxkamadda Sare ee Soomaaliland. Madaxweynaha la Doortay ee soomaaliland ayaa noqonaaya Madaxweynihii Lixaad ee soo Maamulka Soomaliland ee Waqooyi JFS.

SB-MEDIA.