SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DOORASHADDA SOOMAALIYA OO WAJAHAYSO…

Muddo badan oo eey is jiijiidaayeen dawladda federaalka soomaaliya iyo maamul goboleedyadda ayey ugu dambayntii waxa eey isku afgarteen in dalka eey ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah,intaas ka dib ayaa waxaa la isku raacay jadwal doorasho oo qoran sidaan:

1-Tababarka Gudiga doorashadda(30/6/2021- 5/7/2021)-ka.

2-Doorashadda Aqalka Sare(25/7/2021)-ka.

3-Diyaarinta Goobaha Codbixinta(23/7/2021)-ka.

3-Sooxulitaanka iyo Diyaarinta Ergooyinka Doorashadda(15/7/2021- 10/8/2021)-ka.

4-Doorashadda Xildhibaanadda Golaha Shacabka JFS(10/8/2021- 10/9/2021)-ka.

5-Dhaarinta Xildhibaanadda iyo Doorashadda Gudoonka labada aqal(2/9/2021)-ka.

6-Doorashadda Madaxweynaha JFS(10/10/2021)-ka.

Waxaa la go’aamiyey in lacagta laga qadaayo dumarka u tartamaayo labadda aqal laga dhimo lacagta 50% tusaale ahaan aqalka sare cid kasta oo tartamayso waxaa laga qaadayey lacag dhan $ 20,000 hadda dumarka waxaa laga qaadaa $ 10,000, aqalka hoosane dumarka waxaa laga qadaa lacag dhan $ 5,000 halkii uu ahaay $ 10,000. Waxaa xusid mudan in maanta la doortay gudoomiyaha gudiga doorashadd qaranka-2021-ka waxaane gudoomiye loo Mr.Cirro oo ahaay gudoomiyihii hore ee gudigii lagu muransanaay.

Wargayska Daily Nation kana soo baxa dalkaas Kenya ayaa isna waxa uu wax ka qoray arrinta doorashadda soomaaliya,waragayska ayaa diiradda saaray dhinacyadda amniga iyo qabaa’ilka dhibka ka imaan karo. ISHA WARKA DAILY NATION.

RIIX HALKAAN.