SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DOORASHADDA SOOMAALIYA IYO DIB U DHACYADA KU YIMID.

(SOOMAALIYA):Marka laga soo bilaabo shirkii Carte loogu qabtay Soomaalida waxaa dalka Soomaaliya looga dhaqmaayey nidaamka doorasho dhacdo afartii sanaba mar,marka hore waxaa la dooranaayey xildhibaanada ayagana waxa eey iska dhex dooranaayeen Gudoomiye iyo laba gudoomiye ku xigeen,markaas ka dibne waxa eey dooranaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Sooaaliya.Haddii aan tusaale ahaan u soo qaato dawladda hadda jirta ee xilgaarsiinta ah baarlamaankii dooratay waxa uu waqtiguusu ku ekaay 27/12/2020-ka,madaxweynaha uu xilkiisu dhammaadayne waxa uu xilkiisu ku ekaay 8/2/2021-ka mana la haayo baarlamaan cusub oo bedela kii hore iyo madaxweyne cusub oo bedela kan uu dhammaaday waqti xileedkiisa.Bishii abriil ee sannadkaan ayaa waxa dhacday in baarlamaanka uu dhammaday waqtigiisu inuu isku dayo inuu waqti kordhin u sameeyo madaxweynaha waxaane arrintaas ka dhashay falcelin aad u xun waxa uuna dalka ku sigtay inuu dib ugu laabto dagaal sokeeye mar kale,Madaxweynaha JFS waxa uu arrimaha doorashadda iyo amniga doorashada ku wareejiyey Raysal wasaare Rooble waxaane la filaayey in raysal wasaaraha dalka gaarsiiyo doorasho ku dhacda waqtigeeda,waxaane dhismay gole loo yaqaano GOLAHA WADA TASHIGA QARAN kaaso eey ku midaysan yihiin shanta maamul goboleed iyo gobolka banaadir waxaane madax u ah Raysal wasaare Rooble,waxaa kaloo la dhisay gudiga doorashooyinka her federaal iyo heer maamul goboleedba,hadaba inteey jeer ayaa doorashadda soomaaliya loo sameeyey Jadwal doorasho? Halkaan waxaan idiinkugu soo gudbihaa inta jeer uu isbedel ku yimid jadwalka doorashadda.

(1)-2/10/2020-ka,golaha wadatashiga qaranka waxa uu soo saaray jadwal doorasho waxaane lagu xusay in doorashada aqalka sare dheceeyso inta u dhexeeyso kowda ilaa tobanka bisha diseembar(1-10/12-2020)-ka,doorashadda gudoonka labada aqal(Sare/Hoose) iyo tan madaxweynaha JFS waxaa loo qoorsheeyey ineey dhacdo inta u dhexeeyso koowda janaayo ilaa sideeda Feberaayo(1/1/-8/2/2021)-ka jadwalkaan waxba kama qabsoomin waane uu dhicisoobay.

(2)-23/12/2020-ka,gudiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray jadwal eey kaga hadlaayaan waqtiga lagu soo afjaraayo doorashada aqalka sare waxa eeyna sheegeen ineey dheceyso 31/12/2020-ka ilaa 6/1/2021-ka,7/1/2021-ka waxaa la bilaabi doonaa diiwaan gelinta iyo xaqiijinta tababarka odayaal dhaqameedka,bulshada rayidka ah ee ka qeybgelaayo soo xulista xildhibaanda aqalka hoose,jadwalkaan isagane ma noqon mid shaqeeya.

(3)-29/12/2020-ka,wargelin uu soo saaray gudiga doorashooyinka ee heer federaal ayuu ku sheegay in isbedel ku yimid jadwalkii hore ee doorashadda aqalka sare waxa uuna gudiga doorashada aqalka sare u asteeyey ineey dhacdo inta u dhexeeyso 7/1-14/1/2021-ka,waa mar kale iyo dib u dhac.

(4)-29/6/2021-ka,Golaha wadatashiga qaran ayaa soo saaray jadwalka doorashada aqalka sare waxa eeyna sheegeen ineey bilaaban doonto 25/7/2021-ka halka tan aqalka hoose eey dhici doonto inta u dhexeeyso 10/8-10/9/2021-ka dalkuna uu madaxweyne yeelan doono 10/10/2021-ka,halkaan maba lagu xusin goorta la dooranaayo gudoonka labada aqal iyo ku xigeenadooda ee waa la iska hadlay si shacabka loo wareeriyo.

(5)-16/7/2021-ka,gudiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa soo saaray jadwalka doorashadda aqalka sare sheegayne inuu bilaaban doono 25/7/2021-ka halka doorashada aqalka hoose eey dhici doonto 12/9/-2/10/2021-ka lana dhaarin doono xildhibaanada labada aqal dhamantood 7/10/2021-ka,sheekadaan wax ka socday ma jiraan.

(6)-4/9/2021-ka,qoraal uu soo saaray gudiga doorashooyinka dadban ayuu ku sheegay in doorashada aqalka sare la soo gabagabeynaayo 18/9/2021-ka balse waxaa la soo gabagabeeyey 13/11/2021-ka,isla jadwalkaa ka soo baxay gudiga doorashooyinka dadban ayaa waxaa ku xusnaay in doorashada aqalka hoose bilaaban doonto 1/10/2021-ka dhammaan doontana 20/11/2021-ka weli wax kala socdo ma jiraan.

(7)-11/11/2021-ka,Gudiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa soo saaray jadwal cusub oo sheegaayo in 24/12/2021-ka la soo gabagabeyn doono doorashadda aqalka hoose,lama hubo arrinkaan waayo waxa socdo uma eka in wax si sahlan u dhamman doonaan.