DOORASHADA SUDAN-TA KOONFUREED OO DIB…
HOGAAMIYEYAASHA KOONFURTA SUUDAAN.
(JUBA)-Dalka Suudaan-ta Koonfureed waa dal ka soo go’ay dalka Suudaan waxaane laga sameeyey afti ineey ka go’ayaan iyo in kale dalka Suudaan,aftida ayaa la qabtay sagaalkii ilaa shan iyo tobankii bishii Janaayo(9-15/JANAYO) sannadkii 2011-kii waane waqtigii uu socday kacdoonka looga soo horjeday madaxdii Carabta ee in mudda ah xukunka haysay. Aftida laga qaaday shacabka dega Koonfurta Suudaan ayaa ahayd mid ka soo bilaabatay heshiiskii eey wada gaareen dawalddii dhexe ee Suudaan iyo ururkii Sudan People Liberation army(SPLA) heshiiska ayaa lagu gaaray Nayfasha,tan iyo waqtigaas dalka Sudan-ta Koonfureed ma aysan ka dhicin wax doorasha ah waxaane loo balansanaay in sannadkaan la qabto balse qeybaha siyaasadda ee dalkaasi ee kuwada jiray wada hadaladda nabadda si eey u joojiyaan barakaca iyo dagaaladda ayaa mar kale waxa eey dib u dhigeen doorashadii ugu horeeysay ee ka dhacda dalka Sudaan-ta Koonfureed tan iyo markii uu qaatay xurnimada sannadkii 2011-kii,doorashada watigeeda la joogo ayaa waxaa lagu kordhiyey muddo laba sano ah si dalka Sudaan-ta Koonfureed uu uga baxo dawladda ku meel gaarka ah,waxayna doorashada dhici doontaa Disembar-2024-ka.
ISHA WARKA AP.