SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DOORASHADA SOOMAALIYA IYO ISMARI WAAGA TAAGAN.

Soomaaliya):Dalka Soomaaliya ma laha ilaa hadda dawladda ku joogto sifa sharci ah oo waxaa ka wada dhacay waqtigii mana la haayo dawladdii bedeli lahayd,baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed waxa uu waqtigu ka dhacay 27/12/2020-kii halka madaxweynaha uu waqti xileedkiisu ku ekaayey 8/2/2021-ka,waxaane horay u soo dhacday in gudoomiyihii hore ee baarlamaanka mudane Mursal iyo koox taageerayaal u ah madaxweyne Farmaajo isku dayeen ineey xilka u kordhiyaan madaxweynaha muddo dhan laba sano horaantii sannadkaan 2021-ka waxa uuna dalka ku sigtay inuu dib ugu laabto dagalkii sokeeye arrintaas darteed waxane dib looga laabtay mudo kororsigi loo sameeyey madaxweynaha waxane dhacdadaas ka dhashay in madaxweynaha uu iska wareejiyo awoodii amniga dalka iyo tii doorashadaba waxaane la wareegay Raysal wasaare Rooble.Doorashadda aqalka sare ayaa waxa la bilaabay 29/7/2021-ka doorashadaan ayaa waxa ka masuul ah maamul goboleedyadda baarlamaanadooda ineey soo doortaan xildhibaanadda waxa eeyna soo gabagabowday bishii 3/11/-2021-ka waxa ayna doorashadaas qaadatay afar bilood xildhibaanadda lagu dooratayne waa konton iyo afar(54)-xildhibaan waxaane hadda ka bilaabatay laba maamul goboleed doorashadii aqalka hoose kana kooban 275-xildhibaan qaabka lagu soo dooranaayo ayaa ah doorasho dadban oo waxa soo xulaayo odayaash dhaqanka ee qabiladda soomaliyeed awooda maamul goboleedyadda ayaa ah mid kooban oo waxaa waajibkooda yahay ineey sugaan amniga goobaha eey ka dheceeyso doorashadda iyo waxyaabaha kale eey u baahan yihiin gudiyadda doorashooyinka,hadaba maxaa dhacay?Maamuladda bilaabay doorashdda aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa kala ah Galmudug oo caasimadiisu tahay Dhuusamareeb iyo Koonfur Galbeed oo caasimadiisa ku meel gaarka ah tahay Baydhabo,labadaan maamul ayaa ah laba maamul oo si aad ah u taageera madaxweynaha uu waqti xileedkiisu dhammaaday,labada madaxweyne ee labadaan maamul(Axmed Qoorqoor iyo Lafta Gareen) ayaa ah kuwa ku fadhiyo kuraas uu ku daatay dhiig dacwdne eey ka taalo maxakadda qaada dembiyadda dagaalka ee ICC-da,waxaane jiro tartame(Sheekh Mukhtaar Roobaw) oo rabay inuu la tartamo Lafta Gareen ayaa laga soo afduubay degmada Baydhabo waxaane xoog ku soo qabteen ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah Amisom ka dib markii amar laga soo siiyey Villa-soomaliya.Doorashadii eey qabteen labadaan maamul ayaa waxaa ka dhashay muran xoogan oo sababay in midawga Murashaxiinta xilka Madaxweyne iska diidaan ineey ka qeygalaan doorashadda dalka mar haddii arrimi sidaani tahay waxa eeyna si gaar ah u qabsan doonaan doorasho ayaga u gaara oo dalka waxa uu yeelan doonaa laba baarlamaan iyo laba madaxweyne haddii aan wax iska bedelin sida hadda wax u socdaan.Kuraasta la boobay eey ka qeyliyeen midawga musharixiinta ayaa waxaa ka mida midkii uu ku fadhiyey gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Mudane Prof.Jawaari kursigaas ayaa tirsigiisu yahay HOP#103 waxaa degaan doorashadiisu tahay Baydhabo waxaane loo boobay wiil dhallinyara ah isla markaasne ah wasiirka Hawlaha Guud ee maamulka Koonfur galbeed habraaca doorashadda aqalka hoose ayaa waxa uu dhigaa in masuul ka tirsan maamulka dawladda isa soo sharixi karin haddii uusan sameeyn shaqa ka tegid seddex todobaad ka hor waqtiga doorashadda taasne ma uusan sameeyn oo weli waa wasiirka hawlaha guud ee maamulka koonfur galbeed waxaane go’aan ka gaaray gudiga doorashooyinka ee heer federaal waane la baabi’iyey doorashadii kursigaas oo dib ayaa loo dooranayaa xildhibaanka ku fariisan lahaay kursigaas.Kursiga kale ee isna dooda ka dhalatay ayaa ah kan tirsigiisu yahay HOP#67 waxaane kursigaan loo boobay kusimaha taliyaha NISA Yaasiin Fareey sidoo kale yaasiin ayaan sameeyn wax shaqo ka tegid ah oo waxa uu tartamay kursigaas isagoo weli ah kusimaha NISA,tan kale Yasiin waxaa loo haystaa oo weli dhammaan dacwadii Ikraan Tahiil uu isagu qeyb ka ahaay sababta xildhibaanka loogu raadinaayo ayaa ah inuu helo xasaanad uu ku gamban karo eedeynta loo hasyto.Gudiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa baabi’iyey doorashadii kursiga tirsigiisu yahay HOP#154 degaan doorashadiisuna tahay Baydhabo sababta kursigaan loo baabi’yey natiijadiisa ayaa ah in xildhibaanadii horay ugu fadhiday Sareedo keensatay malxiisad aan gaarin da’ada doorashadda,go’aanka gudiga doorashada ee heer federaal waxaa ka horyimid kan heer maamul oo diiday go’aanka,arrimaha ayaa halkaas maraayo mana la yaqaano dhammaadka waxa uu noqon karo.

DIYAARIYE ABKEEY-MUQDISHU-SOMALIA.