SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DOORASHADA KENYA OO MARAYSA…

TIRINTA CODADKA DOORASHADA KENYA.

(NAIROBI)-Dalka Kenya waxaa maalintii Talaadada ee ina soo dhaaftay ka bilaabatay doorshadii rasmiga ahayd laguna dooranaayey Madaxweynaha,Gudoomiyeyaasha gobolada,Xildhibaanada Baarlamaanka kenya,doorashada ayaa sannadkaan la qabtay waqtigii loogu talagalay oo ahaay 9/8/22-ka mana la soo sheegin wax rabshado waa weyn ah oo sannadkaan ka dhacay goobaha doorashada marka la barbardhihgo doorashadii dhacday sannadkii 2018-kii,hadaba doorashada sannadkaan ayaa waxaa ka qeybgalay 18,000-qofood oo ah korjoogayaal kormeeraayo qaabka eey u socoto doorashada dalka Kenya,korjoogayaasha doorashada dalka Kenya ayaa maanta oo khamiis ah waxa eey amaan kala dul dheceen shacabka dalka Kenya iyo gudiga doorashooyinka dalka Kenya(IEBC),korjoogtada ayaa doorashada Kenya ka dhacday ku sheegay ineey tahay mid xor iyo xalaal ah shacabkana ey ka qeybgaleen maalintii Talaadada ahayd. Waxaa weli aan la soo saarin natiijadii kama dambaysta ahayd ee kursiga Madaxweynaha waxaane kursigaan isku haayo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya Raila Odinga oo 77-jir ah iyo Madaxweyna ku Xigeenka Kenya William Ruto oo 66-jir ah. Dhinaca Soomaalida -Kenya waxaa Xildhibaano loo doortay Yuusuf Xasan Kamakunji ayaa laga soo doortay,Adan Ducaale waxaa laga soo doortay Garissa iyo Maxamed Cadaw(Ex-Wariye AlJazeera) oo laga soo doortay Koonfurta Wajer.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.