SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DOON SIDAY MUHAAJIRIIN OO HERTISAY JABAL.

DOON SIDA DAD QAXOOTI AH.

(ATHENS)-Xukuumadda koonfurta dalka Giriiga ayaa sheegtay in hal qof oo muhaajir ah uu dhintay 47-kalane la soo badbaadiyey ka dib markii doon nuuca shiraaca ah ey saarnaayeen ey hertisay jabal qeyb ka mida doontana ey hoos u gashay biyaha badda meel waxyar uun u jirta xeebta dalka Giriiga. Ilaalada xeebaha dalka Giriiga ayaa sheegay in muhaajiriinta la soo badbaadiyey ey kala ahaayeen 15-raga,16-dumara iyo 16-caruur ah waxaane kuligood la keenay maanta oo Khamis ah meel u dhaw koonfurta gobolka Peloponnese kaaso qiyaastii 250-kiilomitir u jira meel koonfurta kaga beegan caasimadda Athens,dadka la soo badbaadiyey ayaa soo gaaray meel u dhaw xeebta sameyeyne qeylo dhaan si loo gargaaro.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.