DOON DADKII SAARNAAY LA SOO BADBAADIYEY.
(SAWIRKA)-DOON SIDA MUHAAJIRIIN.
(ITALY)-Meydad 10-Tahriibayaal ah ayaa laga helay dooni ka sameysan AL-waax oo ey saarnaayeen samatabixyeyaal ka socday Hayadda Samatabixinta Muhaajiriinta Jarmalka ee loo yaqaano RESQSHIP. Kooxda ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah in samatabixiyeyaashu ey u yimaadeen iney caawinaan Doonta Alwaaxa ah oo ku dhibaateysan Badda Miditereeniyaanka. Kooxda Gurmadka ayaa ku guulesatay iney soo badbaadiyaan ilaa 51-Qof hase ahaatee meydadka 10-Qof ayaa laga helay meel ka hooseeyso dusha sare ee Doonta. Hayadda Samafalka ma eysan bixin faahfaahin ku saabsan halka iyo goorta uu hawlgalkan Samatabixinta gaarka ah ka dhacay,balse sida laga soo xigtay adeega dabagalka ee Marinetraffic.com waxay ku taalaa galbeedka Miditereeniyaanka una dhexeyso Dekedda Sfax ee dalka Tuniisiya iyo Jasiiradda dalka Talyaaniga ee Lampedusa. “Dad dhan 61-Qof ayaa saarnaay doonta Alwaaxa ah,taaso ey ka buuxeen biyo,shaqaalaheyna waxaa u suuragashay iney soo saaraan 51-Qof oo laba ka mid ah ey Miir beeleen”.
ISHA/DW NEWS.