SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DOODA DASTUURKA IYO DHAMMAYSTIRKIISA.

(SAWIRKA)-DASTUURKA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Waxa aan la soconaa in weli uu muran xoogan ka taagan yahay Dib u eegista Dastuurka Ku meel gaarka ah iyo Dhammaystirkiisa,arrintaan ayey labad Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliyeed u saareen Gudi ka soo shaqeeyo ka dibne horkeeno labad Aqal oo wada Fadhiya si looga doodo,Gudiga dib u eegista dastuurka ee ka kooba toban xubnood ayaa kala ah: (1)-Xildhibaan Cali Yusuf Xoosh(Puntland).

(2)-Xildhibaan Maxamed Xayle Axmed(Puntland).

(3)-Xildhibaan C/laahi Abukar Xaaji(Carab) (Juba Land).

(4)-Xildhiban Xuseen Qasim Yusuf(Xuseen IIdaw) (Galmudug).

(5)-Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xasan-Waliid(Koonfur Galbeed).

(6)-Senitar Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) (Galmudug).

(7)-Senitar Iftin Xasan Imaan(Baasto) (Juba Land).

(8)-Senitar C/lahi Sh.Ismacil(Fartaag) (Juba Land).

(9)-Senitar Siciid Cabdi Xuseen(Soomaliland).

(10)-Senitar Xasan Xuseen Xaaji-(Koonfur Galbeed). Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed oo dhaqangalay sannadkii 2012-kii wuxuu farayaa dhammaystirkiisa ka hor afti dadweyne ee lagu talagalay in la qabto ka hor dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka JFS oo ku beegneed 20/8/2016-kii.

ISHA/AB.

RIIX HALKAN.