SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DIYAARADAHA DAGAALKA ITOOBIYA OO DILAY…

CIIDAMADA ITOOBIYA.

(NAIROBI)-Dalka Itoobiya ayaa waxaa dib uga qarxay dagaalkii u dhexeeyey ururka TPLF ee gobolka Tigray iyo xukuumadda federaalka Itoobiya,dagaalka labadaan kooxood ayaa ah mid soo bilawday sannadkii 2020-kii ka dib markii RW-Abiy Axmed diiday ineey doorashada dalkaasi Itoobiya ku dhacdo waqtigeeda,dagaalkaan ayaa waxaa ka dhashay dhimasho,dhaawac iyo barakac baahsan oo soo wajahay goblkaas Tigray waxayne dawladda Itoobiya isku dayday balse eeysan ku guulaysan ineey cunaqabateyso gobolkaasi Tigray waqtigii eey jirtay nabadda,hadaba weerar cirka ah oo eey qaadeen ciidamadda cirka ee dawladda federaalka Itoobiya ayaa lagu beegsaday xarun lagu xanaaneeyo caruurta aan weli gaarin da’ada dugsiga hoose gudaha gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi Itoobiya maalintii shalay oo ahayd Jimce,waxaane la soo sheegaa in weerarkaan gaystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray caruurtii ku sugneed xarunta iyo dadkii waqtigaas ku suganaayba.

ISHA WAARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.