SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DIGNIIN LA SIIYEY DADKA DEGAN XARUNTII HORE EE…

(SAWIRKA)-AFHAYEENKA g/BANAADIR SAALAX DHEERE.

(G/BANADIR)-Wararka ka imanayo Gobolka Banaadir ayaa sheegaayo in Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Dheere uu maanta oo Sabti ah uu shir Jaraa’id ku qabtay caasimadda Muqdisho,afhayeen Saalax ayaa waxa uu digniin culus siiyey dadka shacabka ah ee weli degan Xaruntii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dawladdii Dhexe ee Soomaaliya kuna tiil dhabarka dambe ee Safaaradda Talyaaniga ee magaaladda Muqdisho. Afhayeen Saalax ayaa sheegay in dadka degan xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha la siiyey digiin ah iney isaga guuraan dhismaha si Wasaaradu u isticmaasho balse dadka degaan ka dhigtay ayaa arrinkaasi ka dhega adeegay waxaane hadda loogu daray muddo asbuuc ah iney kaga baxaan dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha haddise ey isaga bixi waayaan waxaa muuqato in maamuka G/banaadir isticmaali doono awooda sharciga siinaayo.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.