SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DIGNIIN EY SOO SAAREEM M15 IYO FBI.

(SAWIRKA)-MADAXDA M15 IYO FBI.

(LONDON)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Ingiriiska ee Londan ayaa sheegaayo in halkaasi ey ku kulmeen labada masuul ee ugu sareeyso labada hayadood ee sirdoonaka u qaabilsan dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka(M15 iyo FBI) Mr.Ken McCallum iyo Christopher Wray ayaa si wadajir ah waxa ey u soo saareen digniin aan horay u dhicin kuna saabsan handaadaha argagixisada ey bixinayso kuwaaso ku sugan gudaha dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka,argagixisada ayaa sheegtay iney weerari doonto bulshada reer Isra’iil ee ku sugan dalalkaas,arrintaan ayaa ka dhalatay weerarada isdaba jooga ah ey ciidamadda Isra’iil ku hayaan Gaza ee dhulka Falastiin muddo ka badan toban maalmood oo xiriir ah. Madaxda sirdoonka Ingiriiska(M15) iyo Maraykanka(FBI) ayaa sheegay in jaaliyadaha Yahuuda,Ururada iyo kooxaha kale ee Yahuuda ah ayaa laga yaabaa iney wajahaan khataro aad u sareeyo kuwaaso kaga imaanaayo Xrakada Xamaas,Iraan iyo taageerayasha Xarakada Xamaas kuna sugan dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka.

ISHA/THE GUARDIAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.