DH/MAREEB: WARMURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII GWQ.
(SAWIRKA)-KA QEYBGALAYAASHA SHIRKA 7-AAD EE GOLAHA WADA TASHIGA QARANKA.
(DHUUSAMAREEB)- Magaala Madaxda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa labadii maalmood(Shalay/Maanta) waxaa ka socday shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka una dhexeeyey Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah DFS. Shirkaan ayaa waxaa shir gudoominaayeye Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed Dr.Xasan Sheekh Maxamuud waxaane ka qeybgalay Reysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre,Reysal Wasaare Ku xigeenka DFS Saalax Axmed Jaamac iyo Madaxweynayaasha Galmudug Axmed QoorQoor,KGS C/casiis Laftagareen,H/shabeele Cali Guudlaawe iyo J/land Axmed Madoobe,shirka ayaa laga soo saaray warmurtiyeed dheer oo u badnaay dhinaca dagaalka kooxda Alshabaab.
ISHA/VOA-SOMALI.