DHIBAATADA LOO GAYSTO QAXOOTIGA AFRIKA.
(SAWIRKA)-QAXOOTIGA AFRIKA EE YEMAN JOOGA.
(YEMEN)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay dalalka ey ka jiraan dagaalada kana mid ah wadamadda Carabta, Yeman ayaa la leh xuduud badeed dheer dalal ka mida wadamada Geeska Afrika sida Soomaaliya,Jabuuti iyo Eritereya,dadka u dhashay dalalka aan soo sheegay ayaa tahriib waxa ey ku galaan gudaha dalka Yeman ayagoo sii mara dhinaca badda waxa eyna intooda badan ka degaan degaanka lagu magacaabo Biir-Cali kana tirsan Gobolka Abyan ee Koonfurta Yeman. Dadkaan ka soo tahriibay Bariga Afrika ayaan ku sii sugnaan dalka Yeman waxa eyna uga sii gudbaan dalka Boqortooyada Sacuudiga si ey halkaasi uga raadsadaan shaqooyin ey ka dabiran karaan noloshooda iyo tan eheladooda,hadaba maxaa ku dhaca Dumarka Afrika markey yimaadaan Yeman? Dumarka ka soo jeedo Afrika gaar ahaan kuwa ka yimid Itoobiya kuna sugan dalka Yeman ayaa waxa soo food saartay arrin leh qatarteeda taaso ah in laga dhigtay Adoon loo Galmood inta guri lagu soo xirtay,arrintaan ayaa waxaa sameeyo maleeshiyaad ka soo kala jeedo Kooxda gooni isu taag reer Koonfureed Yeman iyo Kooxda Xuutiyiinta ee ku sugan Waqooyiga Yeman. Dhibaatooyinkaan ayaa ka kala dhaca xuduudyada u kala dhexeeyo Waqooyiga iyo Koonfurta Yeman iyo Yeman iyo Sacuudiga.
ISHA/MEE.