SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DHAQALAHA LAGA SAMEEYO HUBKA OO LA…

QORAGA RIFLE-KA.

(USA)-Dalka Maraykanka sannadkaan waxaa ka dhacay toogashooyin fara badan kana kala dhacay goobo kala gedisan toogashada ugu xanuunka badneed ee ilaa hadda la xasuusto ayaa waxa eey ka dhacday dugsi hoose toogashadaaso lagu dilay caruur yar yar iyo macallimiin wax u dhigaysay,toogashada ayadana la xusuusto ayaa ah midii ka dhacday goob eey ka suuqeystaan dad u badan Madawga Maraykanka waxaane halkaas lagu gumaaday dad u badan kuwa eey aad u sareyso da’adooda oo waxaa ka mid ahayd qof dumara oo lagu sheegay ineey jirtay 86-sano,hadaba arrimahaas soo dhacay ayaa waxaa ka dhashay in bal la ogaado waxyabaha sababay in hubku gacanta u galo dad fara badan waxaane la sameeyey baaritaan la xiriiro arrintaas waxaane la so ogaaday ineey jiraan shan warshadood oo sameeya qoryaha Rifle-ka ineey sameeyaan dhaqaale gaaraayo hal bilyan oo doolarka Maraykanka ah dakhligooda markii la isku daray,waxaane qoryahaas Rifle-ka ah lagu qaaday weeraro kedis ah tobankii sano ee ugu dambaysay,aqalka hoose ee dalka Maraykanka gudi ka mida ayaa waxa uu dib u eegis iyo dib u habayn ku sameeyey qaabka hubkaan wax looga qaban karo.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.