SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DHAGARTA DAWLADAHA SHISHEEYE EE SOMALIA.

SAWIRKA PROF.YAXYE CAAMIR.

(SOMALIA)-Si ey akhristayaasha Suuq-bacaad Media uga bogtaan sheekadii dhexmrtay Prof.Yaxye Caamir iyo Wakiilkii Qaramada u qaabilsanaay Waqooyiga Muqdisho Md.Xassan Konte oo dhammaystiran,Prof.Yaxye ayaa sidan ku bilaabay sheekadiisa: Mudane Xassan Konte oo u dhashay Galbeedka Afrika-Ghana,oo Wakiilka UN ee Somaliya uu u wakiishay Waqooyiga Muqdisho ayaa Galab iigu yeeray xafiiskiisa Degmada C/casiis. Waxaan ahaa Madaxii Xafiiska Mudane AUN-Cali Mahdi. Waxaan u tegay isaga oo kaligii ku nasanayo Geed Guriga Xafiiskiisa ku yiil hoostiisa. Mar kasta oo Qof Somali ah uu la kulmayo waxaa khasab ahayd inuu joogo Nin Faransiisa oo u ahaa la taliye Siyaasadeed iyo Nin dalka Senigal u dhashay oo ilaalo gaara u ahaa. Galabta Ninkii Faransiisku waxa uu jiray Xarunta UN ee Siliga Maraykanka. Mudane Xassan Konte,waxa uu yiri”Aniga waxa aan ahay nin Muslim ah,shaqadaan mar dhaw waan ka tegayaa,waxaan ku noolaan doonaa Dalkayga Beer aan leeyahay oo qasabka Sokorta lagu beero. intii aan Cali Mahdi la shaqeynaayey waxaan arkay in uu yahay nin wanaagsan mana rabo in aan qeyb ka noqdo Shirqool loo diyaariyey. Shir ka dhacay Xarunta UN-ka ee Siliga,si arrintaan Somaliya aan uga nasano danahaynana aan u gaarno,waxaa la go’aamiyey in Cali Mahdi lagu casuumo shir laba maalin ah oo lagu qabanaayo Kampala-Uganda. Inta uu ku maqan yahayne in Jan.Caydiid loo sheego inuu garoonka diyaaradaha ee Muqdisho weerar ku qaado ka dibne ayadoo taas marmarsiyo laga dhiganaayo Garoonka diyaaradaha la xiro muddo Seddex Asbuuc ah,mudadaa dhexdeeda in Waqooyiga Muqdisho uu Jan.Caydiid dagaal ku qaado uuna qabsado taane ay u fududeyso UNOSOM iyada oo ey ka qeyb qaadanayaan ku xigeenada Cali Mahdi qaar ka mid ah iyo kaaliyeyaashiisa kale. Dadkana loo sheego in Mudane Cali Mahdi uu iska dhiibay dalka Uganda oo la siiyey Magangalyo Siyaasadeed. Waqooyiga Muqdishane sidaas lagu qabto oo magaaladda Muqdisho ey yeelato Hal hogaamiye ey hoos tagto,waxaan filayaa in arrintaan ay ku soo heshiiyeen dalka Talyaaniga oo Cali Mahdi ey saaxibo yihiin iyo dalka Itoobiya oo ey Jan.Caydiid saaxibo yihiin,ka dibne ey arrintaa ka dhaadhacsiyaan wadamadda kale. Mudane Konte ayaa yiri,”Shirka oo aan ka qeybgalay,waxaa laga soo saaray Warqadaan Martiqaadka ah oo la rabo inuu Cali Mahdi uu ka soo jawaabo ka dibne la qaado.Warqadii waa tan u geey Cali Mahdi una sheeg yuuna shirkaa Uganda aadin”. Prof.Yaxye waxaan ku iri Mudane Xassan Konte”Haddii aan u geeyo Warqadaan Martiqaadka oo aan u dhiibo waxaa suuragal ah in uuna iga aaminin,oo saaxibadiisa Wasiirada u ah iyo kuwa USC/SSA ayaa ku qancinayo inuu aado,aniguna kuma jiro Golayaasha Siyaasadda ee adiga u sheeg. Warqaddii waan ka qaaday waxaan iska dhigtay guriga Sheekh Cali Tuure oo uu qol iga dejiyey markii aan xaafadda Bermuuda ka imid ee aan soo degay Kaaraan.”Maalin kasta marka aan xafiiska tago waxaa Warqadaas i weydii jiray Siyaasiyiin kale,ka dibne Cali Mahdi oo xiiseynayo Warqada. Maalmihii dambe xafiiska ma tegi jirin,mar kastana Xarunta Siliga ayaa soo wacaysay Cali Mahdi oo leheyd warqadda maad ka soo jawaabtid. Markii uu igu batay culayska ayaan u tegay Mudane Xassan Konte oo aan ku iri”Galabta ayaan Cali Mahdi u tegaa oo kuu keena ee adiga u sheeg. Waxa uu iri”Uma sheegi karo mar kasta uu ila fadhiyo Cali Mahdi waa inuu ila fadhiyaa ninkaan Faransiiska ah,aniga ayaan noqonaayo dembiile haddii aan kaligeey la shiro Cali Mahdi. Waxaan ku iri aniga ayaa xal keenaa ,waxaane kuu keenaa Galabta 5:30-PM waxaane ku kulmaynaa fadhiga hoose ee xafiiskaaga marka la gaaro Maqribka ayaan leeyahay Salaad ayaan kor ku soo dukaneynaa,Faransiiska noo raaci maayo Salaada ee marka aan qolkaaga tagno ee aan Salaad u istaagno u sheeg. Waxaan u tegay Cali Mahdi oo igu canaantay maalmahaan xageed ka baxday,Warqaddii UN-ku kuu soo dhiibtay maxaad iigu keeni weyday aan ka jawaabee. Waxaan ku iri”Wax ka daran ayaa jiro,deg deg ayaa lagaaga rabaa xafiiska UN-ka waane isa soo raacnay. Waxaan u nimid Mudane Xassan Konte iyo ninkii Faransiiska sidii balantu ahayd ayaan yeelay Maqribkii ayaan ku iri”Fadhigaan kabaha ayaa lala soo galaa ee nasii qol aan ku dukano” wax uu yiri”Meel nadiif ah qolkeyga jiifka ayaa ka jiro oo dabaqa sare ah”. Waxaan tagnay qolkiisii Faransiiskiina hoos ayuu inooga haray. Markii aan Salaada u istaagnay ayuu Xassan Konte u sheegay Cali Mahdi qorshaha loo degay. Salaadi ka dib waxaan u nimid Faransiiskii oo aan naga shakin ka dibne waan soo tagnay. Subaxdii kale ayaan Cali Mahdi u diyaariyey Warqad uu uga cudur daaranaayo shirka sidaas ayuuna uga baaqday,Siyaasiyiin la joogtay Cali Mahdi qaarkood ayaa aad uga carooday go’aankiisa. Siyaasiyiinta kale ayaa Cali Mahdi ka dhaadhicisay in uuna Dukumintiga igu aaminin waxa eyna keeneen laba Xoghayn oo cusub oo shaqada qaar iyaga lagu aaminay kuwa oo xogta iyaga u dusiyo waxaan iska yareeyey shaqadii xafiiska si haddii sir baxdo ayna siyaasiyiinta qaar ayna iigu nabin in aan aniga bixiyey laakin qaar ka mid ahaa saaxibadaydii xafiiska ayaa dhacdo walba ii soo gudbin jiray. Muddo Dheer ka dib markii uu xilka ka degay ayaan Cali Mahdi u sheegay wax badan oo ey ka mid ahayd sababta aan u diiday inaan ka qeybgalo shirkii jabuuti ee Mudane C/qaasim lagu doortay wax uu igu yiri”Markii aan joogay xafiiska waxaas oo dhan maxaad iigu sheegi weyday,waxaan ku iri anigaa xaliyey kuumana sheegin laakin adiga haddii aan waqtigaas kuu sheegi lahaay ma iga aamini lahayd?Waxa uu igu yiri Maya. Waxaane ku iri ka warn cashaddii Khartuun_Sudan uu Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir uu gurigiisa noogu sameeyey iyo Jabuuti maalintii Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon uu inagu casuumay gurigiisa?Waxa uu yiri markaas Jabuuti waa wanaagsanayd laakin hadda waxa aan go’aansaday in aanan Jabuuti tegin nolosheyda inta ka dhiman xataa dayaarad transit Jabuuti ku ah ma raacaayo weligey laakinse sababta iima sheegin anne ma weydiin waanse qiyaasi karay. Dhacdadaan waxa ey dhacday dagalkii afarta bilood ka dib iyo ka hor inta uuna bilaaban dagaalkii u dhexeeyey Jan.Caydiid iyo UNISOM.

ISHA WARKA PROF.YAXYE CAAMIR.