DHAGARQABE ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY B/WEYNE.
(SAWIRKA)-ASKARTII DISHAY DHAGARQABE ALSHABAB AH IYO MEYDKII DHAGARQABAHA.
(HIIRAAN)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Hiiraan ee Beled-Weyne ayaa sheegaayo in halkaasi lagu khaarijiyey Dhagarqabe ka tirsan kooxda Alshabaab oo doonayey inuu dil Qorsheysan ka fuliyo gudaha B/weyne maanta oo Jimca ah 26/1/2024-ka. Dhagarqabaha ayaa waxaa ka war helay ciidamadda Xooga dalka waxa eyna ciidamadu bilaabeen baaritaan la xiriira sidii loo soo qaban lahaay dhagarqabaha ku sugan B/weyne. Hawlgal ey sameeyeen ciidamada ayaa lagu beegsaday xaafadda Buundo weyn ee magaaladda B/weyn,waxaane ciidamadda u suuratgashay iney dilaan mid ka mid ah xubnihii kooxda Alshabaab. Taliska ciidamada Mileteriga Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad Maxamud Baakaay ayaa warbahnta u sheegay in xubin ka mid ah kooxda Alshabaab lagu dilay hawgalkii dhacay habeenkii xalay ka dib markii la helay xogta kooxda Alshabaab ee ku sugneed guri ku yaalo xaafadda Buundo weyn ee degamada B/weyne.
ISHA/HIIRAAN.