DHAGAR QABE LA SOO QABTAY ISAGOO HABAWSAN
(SAWIRKA)-CXDS OO HAAYO DHAGAR QABE C/LAHI MACALLIN.
(DH/MAREEB)-Wararka ka imaanayo caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaayo in Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo xoogaga degaanka ey gacanta ku soo dhigeen xubin ka tirsan dagaalyahanadda Alshabaab. Xubintaan la qabatay ayaa magaciisa ku sheegay in la yiraahdo C/laahi Macallin Cismaan,waxa uuna C/laahi sheegay inuu kooxda Alshabaab kaga biiray degaanka Buur-dhuubo ee G/Gedo ee maamulka J/Land,waxa uuna kooxda Alshabaab ka barbar dagaalamaayey muddo dhan lana sano. C/laahi Macallin Cismaan ayaa sheegay inuu ka qeybgalay dagaalo dhawr ah ey kooxda la gashay Ciidamadda DFS balse lagu jebiyey dagaaladaasi,C/laahi ayaa si gaar ah waxa uu uga tirsnaaay waxa ey kooxda Alshabaab ugu yeerto Jabhadda,C/laahi ayaa ku go’odoomay hawdka u dhexeeyo degaanadda kala ah Ceel Garas oo G/Galgaduud ah iyo Nuur-dugle oo G/shabeeladda Dhexe ah,waane halkaas meesha laga qabtay C/laahi oo habawsan garan la’ane halkii uu bixi lahaay iyo jihadda kooxdiisa ka jirto.
ISHA/SNA RADIO.