SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DHAC HUBAYSAN IYO AFDUUB KA DHACAY BANK KU YAALO….

Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka eeyna degan yihiin soomalida ugu badan ayaa waxaa ka dhacay dhac hubaysan iyo afduub uu gaystay shaqsi aan la aqoon waxa uu yahay iyo hubka uu wato ee ku gaystay dhibaatada,waxaa goobta uu ka dhacay dhaca iyo afduubka isugu soo baxay dhammaan hayadaha amniga oo gobolkaas gaar ahaan kuwooda ku takhasusay ka hortaga dhaca hubaysan iyo afduubyada,waxaane la soo sheegay in qaar ka mida dadkii ku jiray bank-ga oo gaaraayo afar dumara ka soo baxsadeen afduubkii banankana u soo bexeen ayagoo kor u taagaayo gacmahooda ayaa waxaa qaabilay ciidamadda amaanka ee ku sugnaay hareeraha bank-ga,dadka ka badbaaday weerarkaas ayaa waxaa ka mid ahaay soomaali sida C/qaadir oo bank-ga tegay 2:00-PM duhurnimo waxyar uun ka dib markii uu gudaha ka bilaawday dhaca hubaysan waxa uuna daaqadda bank-ga ka qaatay lacag waana uu ka badbaaday afduubka,Cabdi Ugaas oo isna ah soomaali waxa uu bank-ga tegay 11:00-Am subaxnimo oo waxa uu lahaay balan waxayna wax dheceen ka dib markii uu ka baxay bank-ga,Faarax Adan oo banaanka bank-ga la joogay markii eey socotay hawlgalka lagu soo badbaadinaayey dadka ku jira gudaha bank-ga ayaa yiri” Waxaan alle uga baryaa bad qab dhammaan shaqaalaha bank-ga”. XIGASHO STARTRIBUNE.

RIIX HALKAAN.