SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DHAALIBAAN OO DHULKEEDA KA BIXI DOONTO ALQAACIDDA.

Tan iyo markii eey kooxda Dhaalibaan la wareegtay tladda dalka Afgaanistaan waxaa soo baxaayey warar kala gedisan kuna saabsan in xiriirka u dhexeeyo Dhaalibaan iyo Alqaacidda noqon doono mid wiiqmo waxaane taas loo aaneynayaa heshiiska dhexmaray Maraykanka iyo Dhaalibaan eey gar wadeenka ka ahayd Qadar ayaa dhigaayo in dhulka Afgaanistaan laga tirtiro kooxaha argagixisadda ah sida alqaacido iyo ISIS waane arrin si aada ugu adag Dhaalibaan ineey dhulkeeda ka sifeeyso Mujaahidiinta ka timid wadamadda Carabta ee ku daaban Alqaacidda. Haddii aan xusuus gaaban ku sameeyo farqiga u dhexeeyo Dhaalibaan iyo Alqaacidda Dhaalibaan waxa eey dagaal kula jirtay dalkii midawga sofeeti oo dhulkeeda qabsaday sannadkii 1979-kii,waxaane waqtigaas Afgaanistaan ka jiray jabhado kala duwan oo reer Afagaanistaan ah una badnaay Muslimiin(SUNNI/SHIICO)qabsahadda Ruuska ee Afgaanistaan ayaa waxaa u sabab ahaay xukuumad gacan saar la lahayd Ruushka oo xukumaysay dalka Afgaanistaan.Sheekh Cabadalla Cazaam oo asala ahaan ka soo jeedo Falastiin balse haystay dhalashadda Urdun waxna ku bartay Suuriya ayaa soo gaaray dalka Bakistaan oo deriska la ah dalka Afgaanistaan waxa uuna sal dhig ka dhigtay Peshawar waxa uuna halkaas ka furay xafiis la yiraahdo”MAKTAB ALKHADAAT” waane halka eey ka unkantay kooxda Alqaacidda,Sheekh Cabadalla ayaa caalamka islaamka ugu baaqay in dalka Afgaanistaan loo soo jihaad tago waxaane dacwada Sheekha ka soo jawaabay wadamadda Khaliijka iyo wadamadda waqooyiga Afrika sida Aljeeriya,Masar iyo marooko,dalka Masar waxaa ka jiray koox la yiraahdo Jihaad al islaami uu madax u ahaay Dr.Ayman Aldawaahiri waane kooxdii dishay madaxweynihii hore ee dalka Masar Anwar Alsaadaat,wadamadda khaliijkana waxaa ka yimid Usaama Bin Laadin,seddexdaan hogaamiye kana soo wada jeedo wadamadda carbta kalana aragti ah ayaa fooda is daray waxaane taas ka dhashay in la dilo Sheekh Cabdalla Cazaam waxaane bam loogu xiray gaarigiisa isagoo u socday masaajidka sii ugu soo dukado salaadii casir,markaas ka hor ayuu Sheekha ka badbaaday isku dil eey soo agaasimeen Usaama iyo Ayman waaxane qorshahaas ku dhintay wiilkiisa iyo wiil uu ahaay adeer,dilkii Sheekh Cabdalla waxa ka dhashay Alqaacidada maanta jirta.Dhinaca kale,jihaadiyiintii ka timid dalalka Carabta kuna sugnaay peshawar waxaa gacanta ku haayey seddex kooxood kalana ah koox dhinaca tababaradda qaalibsaneed kana kala socotay hayadaha sirdoonka wadamadda galbeedka oo uu dagaal kala dhexeeyey Ruushka,dhulka tababarka waxaa bixisay Bakistaan,dhaqaalaha iyo waraaqaha safarka lagu imaanaayo Bakistaan waxaa bixisay boqortoyada Sacuudiga,sida la sheego dagaalka Afgaanistaan waxaa ka qeybgalay soomaali lagu qiyaasay ineey dhan tahay 300-qofood oo jihaadiyiin ah kana kala yimid meela kala duwan oo caalamka ah.XIGASHO WAKAALADAHA .

RIIX HALKAAN.