DFS OO SOO SAARTAY AMAR CUSUB OO AH…
(SAWIRKA)WASIIRKA AMNIGADFS DOODISHE.
(MUQDISHO)-Wararka inaga soo gaarayo caaasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Dawladda Federaalka Soomaaliya ey soo saartay amar cusub oo lagu soo rogay Shirkadaha iyo Hayadaha Hubka ku dhex haysto magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho,horay ayey Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ey magaaladda Muqdisha uga mamnuucday in lagu dhex wadan karo hubka culus. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu amray Shirkadaha iyo Hayadaha iney soo diiwaan geliyaan hubka ey haystaan muddo ku siman laba asbuuc kana bilaabanaysa waqtiga ey soo baxday warqadaan oo ah maanta oo Khamiis ah. Arrintaan ayaa imaanaysa ka dib markii lagu guulaystay qeyb ahaan amniga caasimadda Muqdisho lana suurageliyey in shacabka Muqdisho ey helaan bed qab buux ee dhiacyada Qaraxyadii bil walba ka dhici jiray caasimadda Muqdisho eyna ku le’an jireen dad shacab ah oo aan waxba gaysan.
ISHA/CAASIMADDA.