SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DFS OO LA WAREEGTAY LACAG ALSHABAB LEEYAHAY

(SAWIRKA)-HOGAANKA SARE EE ALSHABAAB.

(MUQDISHO)-Waa wax iska cad murane uusan ka jirin in dagaalka ey Dawaladda Federaalka Soomaliya kula jirto kooxda AL-shabaab uu yahay mid aad u sii xogeysanaayo marka laga fiiriyo dhinaca dhaqaalaha waayo kooxda AL-shabaab hadda waxaa aad ugu adag iney lacag baad ah ka qaado Ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda ku sugan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho,kuwaaso ah halka kaliyah ey kooxda AL-shabaab ka heli jirtay dhaqaalaha ugu badan ee soo gala sannadkii. Kooxda AL-shabaab oo hadda wiiqan dhinac kasta ayaa hadane waxaa ku socdo weeraro dhinacyo badan kaga imaanaayo uuna ugu xun yahay kan dhinaca dhaqaalaha ah,kooxdu hadda ma awoodo iney si sahlan isaga caabiso dagaalka dhaqaale la dirirka ah ee kaga imaanayo DFS waayo waxa ey wada shaqeyn buuxda dhexmartay Hayadaha Maaliyadda dalka iyo Hayadaha Amniga Qaranka iyo kuwa beesha caalamka. Hadaba,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo saaray war Murtiyeed uu kaga hadlaayo Akoono fara badan ey kooxda AL-shabaab isticmaaleysay oo la xiray,waxaane la burburiyey Shabakado Kooxda AL-shabaab u qaabilsanaay dhinaca Maaliyadda.

ISHA-CO.

HALKAN KA SI AKHRI.