DFS OO KA HADASHAY DAGAALKII SHALAY.
(SAWIRKA)-WASIIR DAA’UUD AWEYS JAAMAC.
(MUQDISHO)-Wasiirak Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta waxa uu qabtay shir Jaraa’id uu kaga hadlay arrimha ku saabsan dagaalka Alshabaab oo si xawli ah hadda uga socdo maamuladda Galmudug iyo H/shabeele,Wasiirka ayaa si faahfaahsan waxa uu uga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Shabeelaw ee koonfurta G/Mudug ee G/mudug,Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in dagaalkii shalay dhacay kooxda Alshabaab looga dilay ilaa 100-maleeshiyo oo loo diyaarinaayey iney qaadaan weerar balse halkii lagu diyaarinaayey ayaa waxaa ku qabsaday dagaal culus eysan fileyn.
ISHA.CAASIMADA.