SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DFS OO JAWAAB KA BIXISAY HADALKII LA BEEN ABUURAY.

(SAWIRKA)-WASIIR DA’UUD AWEYS.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda JFS ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Dawladda Federaalka Soomaaliya ey jawaab ka bixisay hadal shaki badan dhaliyey oo ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan hadalkaaso loo micneystay in Dawladda Itoobiya la siinaayo dhulkeyna iyo bdeyna. Wasiirka Warfaafin ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Md.Da’uud Aweys ayaa sheegay in dalka Itoobiya aan marnaba la siineyn badda Soomaaliyeed,lagan tanaasuli doonin mawqifkii hore ee ahaay dhawrista Madax banaanidda iyo qaranimadda Soomaaliya,waxa uuna hoosta ka xariiqay in DFS eysan diidaneyn in Badda Soomaaliya looga faa’iideysto sifo ganacsi. Dawladda Itoobiya ayaa bishii Janaayo ee sannadkaan 2024-ka waxa ey heshiis Xaaraan ah kuna boobeyso Badda Soomaaliya la gashay maamulka Iskiis isu magacaabay ee Somaliland,waxaane arrintaan si aad uga carooday DFS iyo wadamadda deriska ah sida Jabuuti iyo Kenya oo sheegay iney khalad tahay in dhulka Soomaaliyeed ey boobto dawladda Itoobiya.

ISHA/CA.

SI AKHRI.