SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DFS OO DALKA DIB UGU SOO CLEISAY DHALLINYARO DHA..

(SAWIRKA)-WIIL KA MID AH DHALLINYARADII LA SOO CELIYEY.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii ey burburtay dawladdii dhexe ee dalka Soomaaliya sannadkii 1991-dii waxaa dalka Soomaaliya ka bilawday Qax aan kala joogsi lahayn welina ka socod dalka,in kastoo Qaxa uu soo maray heerar kala duwan hadda waxa uu qaatay magaca ah TAHRIIB,sababta keentay in loogu yeero magacaan cusub ayaa ah Nabada ka jirta dalka qeybo ka mid ah oo aad u wanaagsan iyo nolosha dadka Soomaaliyeed oo isbedeshay waqtiyadaan dambe. Hadaba Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS oo uu Hogaaminaayo Wasiir Danjire Axmed Macallin Fiqi ayey u suurtagashay iney dalka Liibiya dib uga soo celiso dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku jiray Xabsiyadda dalkaasi Liibiya tirada dhallinyarada la soo celiyey maanta ayaa lagu sheegay iney dhan tahay ilaa 161-Qofood. Tahriibayashaan laga soo celiyey dalka Liibiya ayaa 74-qofood oo ka mid ah waxaa laga dejiyey Hargeysa halka Muqdisho laga soo dejiyey 87-qofood,masuuliyiinta ka qeybgasha soo dhaweynta dhallinarada ayaa waxaa ka mid ahaa Ergayga gaarka ah ee Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta Danjire Maryan Yaasiin,Danjire Cabdi Adan Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya. Barnaamijka dib u soo celinta Muhaajiriinta Soomaaliyeed ayaa waxaa gacan ka geystay Midawg Yurub, Hayadda IOM, Hayadda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobe ee UNHCR kuwaaso wax ku daridoodu ey lama huraan u tahay sidii dadkaan dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo. Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson iyo Madaxa Hayadda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira ayaa bogaadin u soo jeediyey talaabooyinka ey qaadeyso DFS.

ISHA-WAKAALADO.