SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DFS OO DALKA DIB UGU SOO CELISAY DHALLINYARO…

(SAWIRKA)-WASIIR FIQI OO LA FADHIYA GABAR KA MID AH DADKII LAGA KEENAY SUUDAAN.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda JFS ee Muqdisho ayaa sheegaayo in halkaasi maanta la dejiyey dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo daayey Xabsiyadda dalka Suudaan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaahiga Caalamiga ah ee XFS oo uu hogaaminaayo Wasiir Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa si guul leh u suurtagelisay in dib dalkooda loogu soo celiyo dhallinaro gaareysa 22-qofood oo Soomaali ah kuwaaso lagu xiray dalka Suudaan ka dib markii la qabtay iyagoo isku dayaayey iney socdaal sharci darra ah sameeyaan. Dhallinayarada ayaa ka koobneed 17-wiil iyo 5-Gabdhood,waxa eyna dalka Suudaan ku xirnaayeen muddo dhan ilaa seddex bilood,waxaane lagu kala haayey Xabsiyadda Dongola iyo Gadaarif. Dhammaan dhallinyaradaan gaareysa ilaa 22-ka qofood ayaa maanta dib u soo gaaray dalkoodii hooyo ee Soomaaliya waxa eyna ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho taaso ka dhigeysa guul kale oo muhiim u ah dadaaladda joogtada ah ee Wasaaradu ku iaalineyso Xuquuqda iyo Karaamadda Mawaadiiinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda dalka. Hawlgalkaan guusha leh waxaa lagu gaaray dadaaladda gaarka ah ee Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Socdaalka Danjire Maryan Yaasiin,Agaasimaha Waaxda Qurba-Joogta Md.Ibrahim Maxamud Guure,Gudoomiyaha Haweenka G/Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab iyo Gudoomiyaha Gudiga Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha NRC Marwo Safiyo Xasan Maxamed.

ISHA-SNTV.