SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DFS OO CIIDAMO U DIRTAY DEGMADA CADALE.

(SAWIRKA)MALEESHIYAADKII KU DAGAALAY CADALE.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Dawladda Federaalka Soomaaliya go’aansatay iney talaabo ka qaado dagaal beeleed ku soo laabtay degaano ka tirsan degmada Cadale ee Gobolka Sh/dhexe maamulka H/shabeele. Maalin ka hor ayey ahayd markii baraha bulshada lagu arkay Macallin Dugsi Quraan iyo shan aradaydiisa ah oo hal meel lagu wada dilay,waxaane taasi ka sii horeysay dad la dilay iyo tuulooyin la gubay oo iyagana la soo dhigay baraha bulshada,dhammaan dhibatadaasi waxa ey ka dhex dheceysay dad walaala ah wada dhashay iskuna degaan ah balse gacan seddexaad ey ka dhex adeegatay,dadka qaar ayaa qaba in arrintaan ey ku lug leyihiin dad la shaqeysto kooxda laga adkaada ee Alshabaab. Afhayeenka booliska Soomaaliya G/L.Doodishe ayaa maanta sheegay in degaanka Xaaji Cali loo diray ciidamo isku dhaf ah kana kala socdo DFS iyo dawlad Goboleedka H/shabeele,sida uu sheegay Doodishe DFS ayaa halkaasi u dirtay ciidamo ah Daraawiish halka H/shabeele ey u dirtay Boolis.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHSRISO.