SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DFS OO CADEEYSAY MAWQIFKEEDA KU AADAN WADA HADALKA ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO KA HADLAY ARRIMO LA XIRIIRO ALSHABAAB.

(MUQDISHO)-Wararka aan heleyno caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu meesha ka saaray in wax wada hadal ah uu dhex mari doono Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Alshabaab,MW-Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ey ka go’an tahay in kooxda Alshabaab lagu ciribtiraayo dagaal halka wada hadal lala geli lahaay. MW-Xasan ayaa sheegay in DFS ey guulo waa weyn ka gaartay dagaalka ey kula jirto kooxda Alshabaab lagana xureeyey dhul badan oo ey DFS haatan ka sameeysay dib u xasilin Qaran. Arrintaan ayaa soo shaac baxday ka dib markii siyaasiyiin u janjeerta dhinac kooxda Alshabaab ey bilaabeen iney sameeyaan dicaayad lagu kala ogaanaayo in DFS diyaar u tahay wada hadal ey la gasho kooxda Alshabaab.

ISHA/HIIRAAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.