DENMARK OO CAMBAAREYSAY GUBIDA…
(SAWIRKA)-DAWLADDA DENMARK.
(DENMARK)-Dawladda Denmark ayaa cambaareysay kuna tilmaantay wax laga caroodo gubida Kitaabka Quraanka Kariimka ah,waxa eyna xukuumada Denmark falkaasi ugu yeertay inuu yahay “Fal ceeb ah”isla markaasne ah fal Ixtiraam la’aan ku ah Diimaha kale. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Denmark lana soo dhigay barta Twitter-ka ee Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Gubida Kitaabka Quraanka Kariimka ah ey tahay mid dhaawacaysa quluubta dad fara badan abuureysana kala qeybsanaan u dhexeysa Diimaha iyo dhaqanada.
ISHA/AA.