SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DENI OO SHEEGAY IN PUNTLAND KA DHECAYSO…

(SAWIRKA)-MW-SICIID C/LAAHI DENI.

(GARAWE)-Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa ka socdo olole xamaasadeysan una dhexeeyo Madaxweynaha Puntland ee xilkiisu gabaabsiga yahay Siciid C/laahi Deni iyo Mucaaradka Puntland,waqti xileedka Deni ayaa waxaa ka harsan seddex bilood ey ku jirto bishaan Oktoobar oo waxa lagu wadaa in Puntland doorasho ka dhacdo 8/1/24-ka haddii alle idmo,doorashada ayaa ah mid la isku maan dhaafsan yahay qaabka ey u dhici doonto iyo cidda soo xuli doonto Xildhibaanada maamulkaasi Puntland ee ka kooban 66-da Xildhibaan. Madaxweynaha xilkiisu yahay gabaabsiga Md.Deni ayaa qolka uu ka degan yahay Madaxtooyada dhexdiisa ka sheegay in Puntland ey ka dheceyso doorasho Qof iyo Cod ah taaso Mucaatadka Puntland u arkaan iney tahay Muddo korosi dadban uu doonayo Deni balse la arki doonee Mucaaradka Puntland iyo waxa ey ka sameeyaan.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.