SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DEGAANKA XANAANBUURE OO LOO DIRAY CIIDAN CUSUB…

(SAWIRKA)-DEGMADA CADAADO.

(DH/MAREEB)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaayo in halkaasi laga diray ciidamo dheeri ah oo ku biiraayo ciidamo horay u joogay degaanka Xanaanbuure ee ka tirsan degmada Dhuusamareeb,ciidamadaan cusub ee halkaasi gaaray ayaa ah kuwa ka socdo Dawladda Federaalka Soomaaliya,sababta keentay in degaanka Xanaanbuure la geeyo ciidamo dheeri ayaa ah in halkaasi ey ka dheceen dilal la xiriiro aano qabiil markii dambane ku soo fiday magaaladda caasimadda ah ee Dhuusamareeb iyo degmada Matabaan. Arrintaan aanada qabiil ah ayaa soo laba kaclaysay ka dib markii la wiiqay awoodii kooxda Alshabaab ku leheed degaanadda ka tirsan labada Dawlad Goboleed ee H/shabeele iyo G/mudug,waxaane arrintaan gadaal ka taagan oo hurinaayo siyaasiyiin ku fashilmay siyaasadda kuna guul daraystay iney wax u qabtaan degaanadooda.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.