SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DEGAANKA WABXO OO LAGA XUREEYEY ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.

(WABXO)-Wararka ka imaanayo Gobolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayo kuwa degaan iney si buuxda ula wareegeen galabnimadii maanta oo Isniin ah degaanka Wabxo ahne halka ey Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud xuduudooda tahay,Wabxo ayaa masaafo ahaan waxa ey degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur u jirtaa 46-kiilomitir. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee DFS C/raxmaan Al-Cadaala ayaa xaqiijiyey in ciidamadu ey si buuxdo ula wareegeen Wabxo iyo degaano kale kuwaso kooxda Alshabaab ey gacanta ku haysay muddo sannada ah,magaaladda Wabxo ayaa hadda waxaa ka socdo baaritaan la xiriiro miino baaris ey wadaan ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed. La wareegida gacan ku haynta Wabxo ayaa sidoo kale waxaa la socday in ayagane gacanta lagu dhigay degaanada kala ah”Jaaw,Daadaale,Gal Qoryaale iyo Bidde Ciise” iyo goobo kale oo muhiim u ah weerarka ku wajahan Ceelbuur. Kooxda Alshabaab ayaa isku dayday iney difacdaan Wabxo waxa uuna dagaala kooban uu ka dhacay meel Wabxo u jirto 8-kiilomitir kaaso looga itaal roonaaday kooxda Alshabaab.

ISHA/SB-MEDIA.