SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DEG DEG: WASIIRAD LAGU DILAY MUQDISHO.

SAWIRKA WASIIRAD FARXIYA CABDI WAASUGE.

(MUQDISHO)-Dilalka qorshaysan waa wax lagu yaqaano ineey sameeyaan kooxda Khawaarijta Alshabaab,gaar ahaan masuuliyiinta ka soo jeedo dhulalka laga xureeyey kooxda Khawaarijta ee Alshabaab,tusaale ahaan Khawaarijta ayaa beegsata Ganacsatada,saraakiisha iyo masuuliyiinta kale ee ka soo jeedo degaanadaas Khawaarijta laga xureeyey,Beelaha Saleebaan iyo Xawaadle waxa ey bartilmaameed u ahaayeen welina u yhiin kooxda Khawaarijta ee laga sifeeyey dhulka ey degaan beelahaasi,laakinse hadda oo kooxda Khawaarijta laga saaray dhul balaaran kana tirsan Galmudug ayey kooxdu bilawday ineey si gaadmo ah u dilaan masuuliyiin ka soo jeedo degaanadaas,waxa eyna Khawaarijtu caawa si gaadma ah ku dileen AUN-Wasiirul Dawlihii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Galmudug Marwo Farxiya Cabdi Waasuge,Wasiiradaan ayaa ka soo jeedo degmada Xara-dheere ee gobolka Mudug maamulka G/mudug. Dilka Wasiitradda ayaa waxa uu ka dhacay degmada Warta Nabada xaafadda Horseed ee G/banaadir,waxaane dilak Wasiiradda fuliyey laba nin oo ku hubaysnaay bastoolado waane ey ka baxsadeen goobta.

ISHA WARKA-SB-MEDIA.