SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DEEQ LA SIIN DOONO..

SHIRKII CARABTA IYO MARAYKANKA.

(ANKARA)-Xubno ka tirsan golaha iskaashiga gacanka(GCC) iyo dalka Maraykanka ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay maalintii Sabtida ahayd ineey bixin doonaan lacag dhan $11-Bilyan oo doolarka Maraykanka ah lacagtaaso lagu kaalmeeyn doono si gobolka bariga dhexe iyo adduunka intiisa kale u gaari lahayd cunto ku filan. Dawladda Maraykanka ayaa soo dhaweysay go’aanka eey gaareen kooxda iskaashiga carbeed(ACG) kaaso eey ka mid yihiin 10-dal oo carbeed iyo hayado ku takhasusay mamulka lacagaha kuwaaso ugu yaraan bixinaayo 10-bilyan oo doolarka Maraykanka ah si eey uga jawaabaan dhibaatada cunto yari ee jirta,sidaasne waxaa lagu daabacay wakaaladda awararka u faafiso Sacuudiga ee SPA taasoo soo xiganaysay qoraal ka soo baxay golaha iskaashiga gacanka(GCC) iyo Maraykanka ee ka wada qeybgalay shirkii u dhexeeyey Maraykanka iyo Carabta kana dhacay magaaladda Jiddah ee dalka Sacuudiga.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.