SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAWLADDA QADAR OO DADAAL UGU JIRTO LA WAREEGIDDA DACWADDA BADDA EE SOOMAALIYA IYO KENYA.

Ma aha midaan iska indha tiri karno doorka muuqda eey dawladda Qadar ku leedahay dawladda uu waqtigeeda dhammaaday ee uu hogaamiyo Farmaajo waxaane tusaale inooga filan sida deg dega ah eey dawladda federaalka soomaaliya u soo celisay xiriirkii Kenya in ka yar 48-saac,arrintaan ayaa waxaa ka dambeeyey wakiilkii ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Qadar Mr.Mutlaq eeyna soomaalida u taqaano milkiilaha dhabta ah ee DFS,hadaba wargayska Star kana soo baxa dalka Kenya cadadkiisa 19/5/2021-ka ayaa waxa uu daabacay qoraal uu kaga hadlaayo dacwadda badda ee u dhexeeyso Soomaaliya iyo Kenya waxa uuna qoraalkiisa cinwaan uga dhigay “ Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamiga waa ineey joojisaa dacwadda badda”,waa uu sii watay hadalkiisa oo waxa uu yiri dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegi doono ineey kala qeybsan doonaan dakhliga kasta oo ka yimaado seddex xagalka badda eey dalaalka ka tahay dawladda Qadar. Maxkamadda ICJ ee Hague waxa eey dhegaysan doontaa milkiilaha seddexagalka badda oo ah dalka QADAR.XIGASHO STAR-KENYA.

RIIX HALKAAN.