DAWLADDA KENYA OO U JAWAABTAY DAWLADDA SUDAN.
(SAWIRKA)-MW-RUTO.
(NAIROBI)-Talaadadii, Febraayo 18, ayey kooxda RSF waxay Nairobi ku qabatay munaasabad bilow u ah samaynta isbahaysi ka kooban Ciyaartoy Siyaasadeed iyo kooxo hubaysan si loo Xoojiyo Awoodda kooxda RSF ee dalka Suudaan. Kulanka ayaa waxaa dhaleeceyn xoogan uu kala kulmay Dowladda Suudaan, iyadoo ku andacootay in dhacdadani ey ka horimaaneyso sida ey Kenya uga go’an tahay soo afjarida rabshadaha ka socda Suudaan. Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda oo adeegsanaysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa fiidnimadii Arbacada maanta ah soo saartay dib-u-habayn, iyadoo beenisay sheegashada ah inay dhinac ka istaagtay colaadda 22-kii bilood ee u dhexeysay Dowladda Suudaan iyo Jabhadda Rapid Support Forces (RSF)
Ciidamada Taageerada Deg-degga ah:
"Dhibaatada ka jirta Suudaan waxay u baahan tahay dareenka Gobolka iyo Caalamka," ayaa lagu yiri bayaanka. "Iyadoo la Aqoonsan yahay Awoodaha Nabada Gobolka iyo Adduunka oo dhan, Kenya waxay weli ku jirtaa safka hore ee xal u raadinta dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee dalka Suudaan." Dawladdu waxay sii iftiimisay taariikhdeeda martigelinta Qaxootiga, oo ey ku jiraan kuwa ka soo jeeda Koonfurta Suudaan, iyadoo sheegtay in tani ey tahay "in ey waafaqsan tahay waajibaadka caalamiga ah ee ku xusan Axdiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadka iyo sidoo kale Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda." "Sidaas darteed, Kenya, waxay ku celinaysaa Midnimada ey la leedahay dadka Suudaan si ey u qeexaan aayahooda iyo Maamulkooda Siyaasadeed ee Mustaqbalka iyagoo u maraya wada-hadal loo dhan yahay," ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka. Kenya waxay ku kalsoon tahay in dadka Suudaan ey xal deg-deg ah u heli doonaan xaaladda hadda jirta, iyo qaab lagu ilaalinayo Ammaankeeda iyo tan gobolka,” ayaa lagu daray War-Saxaafadeedka. Intaa waxaa dheer, dowladdu waxay xustay in eysan ahayn wax cusub in Suudaan ey ka faa'iideysato Xafiisyo Wanaagsan oo ka socda dalalka deriska ah, iyada oo intaa ku dartay in soo jeedinta RSF ee Hoggaanka ee Nairobi ey la socoto doorka Kenya ee Wada-Xaajoodka Nabada. Arbacadii maanta ah, Lataliyaha Gaarka ah ee Taliyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), Cizzadin AL-Safi, ayaa sidoo kale caddeeyay booqashada Kenya, isagoo meesha ka saaray sheegashada dowlad dhisidda. “Waxaan u joognaa Kenya inaanan dowlad dhisin, sidoo kale halkaan uma joogno inaan ka maamulno meel ka baxsan Suudaan. Marka la gaaro xilliga dowlad la dhisayo, waxaan ku laaban doonnaa Suudaan, halkaas oo shacabka ey ka tashan doonaan mustaqbalkooda,” ayuu yiri. AL-Safi waxa uu ku nuux-nuux saday dareenka dowladda Kenya ee ah in booqashada Nairobi ey tahay kaliya in caasimadda Kenya ey tahay meel dhexdhexaad ah oo fududeyn iyo wada hadal, waana meel ku habboon in wax laga qabto sababaha asaasiga ah ee dhibaatada Suudaan, oo ey ku barakaceen dad lagu qiyaasay 11 Milyan oo qof. Shirka RSF ee caasimadda Kenya ee nayroobi ayaa lagu soo waramayaa in uu dib u dhacay Talaadadii shalay balse waxaa la filayaa in la qabto labada maalmood ee soo socota ka dibna la saxiixo heshiiska Axdiga Nabadda iyo Midnimada ee Dowladda. Colaadda Suudaan waxay sii korortay bishii Abriil 2023 markii uu soo shaac baxay loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya General Abdel Fattah AL-Burhani, Hoggaamiyaha Ciidamada Qalabka sida ee Suudaan (SAF), iyo General Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti, oo taliye u ah Ciidamada Gargaarka Deg-degga ah (RSF). Colaadda ayaa tan iyo markaas lagu sifeeyay Rabshado Arxan darro ah, taasoo horseeday burbur ballaaran oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha ee Suudaan. Dhibaato Caafimaad ayaa sidoo kale soo baxday, iyadoo in ka badan todobaatan boqolkiiba(70%) Xarumaha Caafimaadka ey burbureen dagaalka dartiis.
ISHA-KE.